Sabti, June 02, 2007(HOL): Wasiirro ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo metelayay Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina uu la xiriiray sidii ay Saxaafadda Madaxa Bannaan iyo Dowlada Federaalka ugu wada shaqeyn lahaayeen Sharci Saxaafadda loo sameeyay.
Shirkaas waxaa dhinaca Dowladda uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, Wasiirka Amniga Qaranka C/llaahi Cabdi Garruun, Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow Maxamuud, Wasiirka Dhowrista Deegaanka iyo Maareeyanta Aafooyinka Maxamed Maxamuud Xeyd, Wasiiru-Dowlaha Qorsheynta Qaranka Shiikh Aadan Mader, Wasiirka Garsoorka Avv. Xasan Dhimbil Warsame iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Yuusuf Geelle Ugaas, halka ay dhinaca Saxaafadana uga qeybgaleen Wakiillo tiradoodu kor u dhaafeysay sodomeeyo ruux.
Wasiirrada Amniga, Arrimaha Gudaha iyo kan Ilaalinta Deegaanka iyo maareeynta Aafooyinka ayaa saxaafadda ugu baaqay in ay ku shaqeeyaan Xeerka loo soo diyaariyay, isla markaana ay iska ilaaliyaan in ay u dhaqmaan sida xiligii nidaamka fowdada ah lagu soo jiray, iyagoo si gaar ah hoosta uga xariiqay in ay Saxaafadda iska eegto sharciga u degsan ee lagu dhaqi doono.
Sidoo kalena waxay Wasiirradan ka codsadeen saxaafadda madaxa bannaan in ay Dowladda la shaqeeyaan, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo dhibaato u horseedi kara dalka iyo dadka, “hal war oo uu si xun u sheegay Wariye aan lahayn khibrad saxaafadeed ayaa wuxuu ka xun yahay dagaal muddo bil ah socda”sidaasi waxaa yiri Maxamed Maxamuud Xeyd, Wasiirka Ilaalinta Deegaanka iyo Maareynta Aafooyinka.
Cali Imaan Sharma-arke oo ka mid ah agaasimayaasha Idaacadda Horn Afrik oo ku hadlay magaca Wakiilladii Saxaafadda ee goobta fadhiyay ayaa wuxuu ka hadlay muhiimadda uu leeyahay sharciga saxaafadda loo sameeyay iyo weliba sida uu sharcigan amba qaad wanaagsan ugu noqonayo in aysan isku dhicin Dowladda iyo Saxaafadda madaxa bannaan.
Cali Iimaan waxaa uu sheegay in uu haatan ka hor maqnaa meel loola noqdo waxyaabaha ay isku qabtaan Dowladda iyo Saxaafada, balse hadda la helay meel lagu kala baxo, isagoo carrabka ku dhuftay in Saxaafadana ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameyn doonto anshaxii saxaafadda. Cali Iimaan waxaa uu ka ballanqaaday mas’uuliyiintii Dowladda ka socotay in aysan Saxaafadda iska fogeyn oo ay soo dhaweysato, isla markaana isticmaasho Saxaafadda, sidoo kalena wuxuu ballanqaaday in la baahin doono sharciga Saxaafadda oo markaasina laga sii deyn doono Idaacadaha, laguna shaacin doono Websiteyada iyo Wargeysyada.
Shirkan ay yeesheen Wasiirrada ka socday Dowladda Federaalka iyo Wakiillada ka socday Saxaafadda Madaxa Bannaan ayaa wuxuu yimid iyadoo Khamiistii aynu ka soo gudubnay ay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isku raaceen Sharci lagu dhaqi doono Saxaafadda Madaxa Bannaan, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana ay dib u qaabeeyeen Wakiillo ka socday Qeybaha kala duwan ee Saxaafadda Soomaaliyeed oo loogu magac daray Guddiga Xoogga shaqo ee dib u qaabeynta Sharciga Saxaafadda Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






