Talaado, June 19, 2007(HOL): Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horayna uga mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ayaa hubkiisa intii u hartay waxaa uu maanta ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka oo markii uu hubkaas wareejiyay kadib saxaafadda kula hadlay Xaruntiisa Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu Dowladda Federaalka horay ugu wareejiyay hubkii waa weynaa ee uu lahaa, maantana uu iska dhiibay intii u hartay oo ay xitaa ku jiraan qori gacmeedyadii uu isku ilaalinayay.
“Aniga ayaa gacanteyda ku dhiibay hubkii ii haray ee aan lahaa, kuwaasi oo u badnaa qori gacmeedyo ee ma jirto in la iga qaaday”ayuu yiri Muuse Suudi oo la weydiiyay su’aal ahayd in hubka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ka qaateen iyo in uu isaga iskiis u dhiibay.
Xildhibaan Muuse Suudi waxaa uu sheegay in uu Dowladda Federaalka ka codsanayo in ay u sameyso Ciidamo ammaankiisa suga, bacdamaa uu hubkiisa ku wareejiyay, wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta la midka ah ee Dowladda Federaalka ku jira iyo weliba guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay iyaguna hubkooda ku wareejiyaan Dowladda, si ammaanka loo sugo.
Waxaa uu sheegay Muuse Suudi in uu go’aansaday in uu hubkiisa ku wareejiyo Dowladda Federaalka kadib markii ay soo baxeen dad doonaya in uusan dalka Soomaaliya nidaam iyo dowlad yeelan oo uu weligiis Dowlad la’aan iska ahaado, “Dalka waa uu burburay, fiiriya waddooyinkiisa iyo Magaalada Muqdisho guud ahaan, waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo dib u dhiska dalka iyo sidii Soomaaliya nabad u noqon lahayd”ayuu yiri Muuse Suudi.
Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow waxaa uu sheegay in ammaanka Magaalada Muqdisho uu haatan ka soo reynayo, inta dhimanna la dhameystiri doono, “Dadka nabadgelyo darrada wada waxaan leeyahay joojiya falalka aad waddaan iyo dadka aad qaraxyada ku dhameyneysaan, haddii kale meelaha aad joogtaan ayaa la idinkugu imaan doonaa oo farta ayaa la idinku fiiqi doonaa”ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in uu si weyn u soo dhaweynayo howlgallada hub uruurinta ah ee ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa hubkoodii waa weynaa waxay horay ugu wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo haatanna uu Muuse Suudi noqday Xildhibaankii ugu horeeyay oo hadana hubkiisii yar-yaraa ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






