Talaado, June 19, 2007(HOL): Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada Abu Dhabi, ee dalka Isku-Taga Imaaraadka Carabta, Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee (CRD).
Xafladdan oo ah mid lagu xusaayay Africa waxaa ka soo qayb-galay dhamaan safaaradaha
Wadamada Africa waxaa ay halkaas ku soo bandhigeen- dhaqankooda, iyo macluumaad la xiira ganacsiga dalalka ay wakiilka ka yihiin. Sidoo kale waxaa xafladaas lagu soo bandhigay Films ka hadlaya xaaladda Africa., gaar ahaan Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Xarunat Cilmibaarista iyo Wadatashiga (CRD).
Waxaa xalay xafladda qudbo dheer oo taabatay xaaladda ay
Waxaa sidoo kale xafladda si xooggan uga soo qayb-galay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Imaaraadka oo ay ka muuqatay farxad.
Ka dib burburkii ku yimid dalka Soomaaliya, Jaaliyadda Soomaaliyeed, sharafteedii iyo karaamadeedii hoos ayay u dhacday – barnaamijkan oo ah mid ay qaban-qaabisay Hay’ad Soomaali ah iyadda oo kaalmaysanayso Aqoonyahanno ku dhaqan dlaka Imaaraadka, waxaa ay dadka Soomlaaliyeed u soo celisay kalsooni, sidoo kalena Mas’uuliyiinta Wadamadii ka soo qayb-galay Xafladda ayaa iyagana aad ugu mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) ay qabato xafaladan, sanadkii hore waxaa ay sidoo kale ku guulaysatay in ay Africa Day qiimeynteeda ay ka qayb-qadato. Waxaa kale oo ay Xaruntu CRD ka fulaysay Deegaano badan oo ku yaala Dalka Soomaaliya Barnaamijyo Soo celinta Nabbadda ah
Hay’adda CRD waxaa ay shirar badan ku qabatay dalka dibadiisa iyada oo ku bogaadinayso Shacaba Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa in ay kaalin mug leh ka qaataan Horumarinta Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ugu dambeyntiina waxaa xafladdaas lagu soo bandhigay Web-site cusub oo ay loogu magac daray www.AfricaME.org , kaasi oo ah mid ku xiran Satellite-ka waxaa uu noqon doonaa meel laga helo wararka
Halkan ka fiirso Sawirrada laga soo qaaday Africa Night Meeting
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






