13.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku gacan seyray cafiska ay Xubnaha Maxkamadihii Islaamka u fidisay Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 19, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku gacan seyray cafis ay Dowladda Federaalka u fidisay Xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo kooxihii la dagaalamay ee Xabsiyada ugu jira.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uusan ogeyn dembi ay galeen Xubnaha Maxkamadihii Islaamka oo laga cafinayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in haddii dembi la galay ay galeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay dalka ku soo hoggaamiyeen Ciidamo cadaw ah.

 

“Nimanka madaxda ka ah maamulkaas daba-dhilifka ah iyaga ayaa dembi Umadda ka galay oo cadaw ku soo hoggaamiyay ee Allaah cafis ha weydiisteen”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

Inkastoo uu Shiikh Shariif laalay cafiska loo fidiyay Xubnaha Maxkamadihii Islaamka, hadana waxaa uu soo dhaweeyay go’aanka ay Dowladda Federaalka ku gaartay in la sii daayo dadka xabsiyada ku jira ee u xiran Dowladda Federaalka.

 

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Odayaasha Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan ayaa isna ka hadlay caafiska ay fidisay Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in ay tallaabadaas tahay mid dadka isu soo dhaweyneysa oo in la soo dhaweeyo mudan, hayeeshee Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu intaas ku daray in uu ka xumaaday markii uu maqlay in cafiskaas uu heerar kala duwan marayo, isla markaana markii hore uu ka soo baxay Golaha Wasiirrada, kadibna loo gudbinayo Baarlamaanka ilaa ugu dambeynta uu go’aankaas madaxweynaha saxiixi doono.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, go’aankan cafiska ah ee ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo markii labaad dib loo dhigay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ay Beesha Caalamka aad u daneyneyso in uu noqdo mid laga wada qeybgalo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).