Talaado, June 19, 2007(HOL): Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigga Degmada Huriwaa, iyadoo weerarkaasina uu ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa Ciidamadii Saldhigga joogay.
Taliyaha Saldhigga Degmada Huriwaa Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe weerar ku soo qaadeen koox aad u hubeysneyd oo tiradoodu dhameyd 15 nin, kuwaasi oo saldhigga ka soo weeraray dhowr jiho.
Weerarkan oo la isugu adeegsaday rasaas yar yar iyo mid waa weyn ayaa wuxuu hurdada ka toosiyay Dadka ku dhaqan degmada Huriwaa, gaar ahaan kuwa u dhow Saldhigga Degmadaas.
Taliyaha waxaa uu intaas ku daray in ay Kooxdaas hubeysan ay Saldhigga ku weerareen Qoryaha RPG-ga, kuwaasi oo ay Saldhigga ula soo jirsadeen ilaa 100 tallaabo, kadibna ay derbiyada Saldhigga ku dhufteen rasaastii ay qoryahaas ka soo tuureen, wuxuuse sheegay in aysan Saldhigga khasaare u soo gaarin sida loo soo weeraray.
Weerarka xalay lagu qaatay Saldhigga Degmada Huriwaa wax saameyn ah kuma yeelan dadka deegaankaas ku nool, waayo waxaa horay u dhici jirtay in markii meel sidaas oo kale ah la weeraro in isla markiiba la joojiyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, kadibna baaris lagu bilaabo guryaha u dhow halka weerarka ka dhacay.
Waa markii afaraad oo Saldhigga Degmada Huriwaa la weeraro, mana muuqato ilaa iyo haatan awood ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ay ku xakameynayaan weerarrada Saldhigaas taxanaha looga dhigay, marka laga reebo in uu maamulka Gobolka Banaadir Degmadaas ku soo rogay Bandow bilaabanaya 6-da Maqribnimo oo ku eg 6-da Aroornimo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online






