15 C
London
Friday, November 7, 2025

Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la dhaawacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, June 19, 2007(HOL): Afhayeenka madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayay kooxo hubeysan ku dhaawaceen shalay gelinkii dambe agagaarka Isgoyska Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho.

 

Sida ay sii deysay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho Afhayeenka ayaa markii uu dhaawacmay kadib loola cararay Isbitaalka Madiina, halkaasi oo la sheegay in looga sii gudbiyay Isbitaal ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka oo xaqiijinaya dhaawaca loo geystay Afhayeenka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ninka lagu magacaabo Xuseen Xuub-sireed.

 

Isgoyska Howl-wadaag ee Afhayeenka lagu dhaawacay ayaa wuxuu yahay mid aanu ammaankiisa hagaagsaneyn, wuxuuna caan ku noqday dilalka, tiiyoo ay xusid mudan tahay in meel aan u dheereyn Isgoyskaas ay ku sugan yihiin Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Saldhigga Degmada Howl-Wadaag.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii gacan ku heynteeda lagala wareegay maxkamadihii Islaamka waxaa aalaaba ka dhaca dilal loo geysanayo dad aan waxba galabsan iyo weliba qaraxyo lala beegsanayo madaxda Dowladda Federaalka iyo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).