15 C
London
Friday, November 7, 2025

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Denmark oo Deeq Lacageed gaarsiiyay Isbitaallada Madiina, Martiini iyo Keysaney ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, June 18, 2007(HOL): Deeq Lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hernin ee dalka Denmark ayaa maanta waxaa loo qeybiyay Bukaanno dhaawacyo kala duwan qaba oo  ku jira Isbitaallada Madiina iyo Keysaney iyo Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo iyagana ku jira Isbitaalka Martiini.

 

Deeqdan lacageed oo ay Shiikh Maxamed Caafow, C/llaahi Aybakar iyo Daahir Cali ay u soo wakiisheen Cabdi Muxumed Axmed (Cabdi Rubac) oo Denmark kula sugan ayaa isagana waxaa uu u sii xilsaaray in ay Deeqdaas Lacageed gaarsiiyaan Isbitaalladaas C/llaahi Maxamed Guure iyo C/salaan Xaaji Nuur oo iyagu saakay gacantooda ku qeybiyay lacagtaas.

 

Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan Bukaano dhaawacyo kala duwan qabay oo ay tiradooda kor u dhaafeysay 80 ruux ayaa loo qeybiyay lacag dhan 17,400,000 Sh, So (Toban iyo Todobo Milyan iyo Afar Boqol Kun Shillin Soomaali ah), taasi oo bukaannada loogu qeybiyay sida ay u kala daran yihiin.

 

Cali Macallin (Cali Cadde) oo ka mid ah mas’uuliyiinta dhinaca maamulka ee Isbitaalka Madiina oo isagu la socday sidii Bukaanada loogu qeybiyay Deeqda Lacageed ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Denmark, gaar ahaan Magaalada Hernin kaalmada ay soo gaarsiiyeen walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya, wuxuuna ku sii booriyay Mas’uuliyiinta Jaaliyadda in ay sii laba laabaan kaalmada ay ugu talagaleen Dadka ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya.

 

Cali Cadde waxaa uu sheegay in dhaawacyada Isbitaalka jiifa ay haatan tiradoodu ku dhowdahay boqol ruux, isagoo xusay  in ay Isbitaalka horay uga baxeen bukaano kale oo la daweeyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Kaalmada ay Isbitaalka soo gaarsiisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hernin ay tahay mid waqtigeeda ku timid oo ay Bukaannada aad ugu farxeen.

 

Sidoo kalena Bukaanada ku jira Isbitaalka Keysaney ayaa iyana la gaarsiiyay kaalmada lacageed ee ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmark u soo dhiibtay, waxaana lacagtaas la guddoonsiiyay 77 ruux oo ay ku jireen xitaa bukaano saakay ay waxyeello ka soo gaartay qarax ka dhacay nawaaxiga Wasaaraddii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta ee Magaalada Muqdisho.

 

Cali Yuusuf Maxamuud (Cali Bile) oo ah madaxa Maamulka Isbitaalka Keysaney ayaa kadib markii bukaannada loo qeybiyay lacagtaas waxaa uu jeediyay hadal kooban oo uu ugu mahadcelinayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark, gaar ahaan magaalada Hernin, wuxuuna Cali Bile sheegay in kaalmada la soo gaarsiiyay Bukaannada ku jira Isbitaalka Keysaney ay tahay mid ay u baahnaayeen bacdamaa ay dadka badankood yihiin kuwo aanan waxba heysan oo nolol maalmeedka la dagaalama. Bukaannada ku jira  Isbitaalka Keysaney ayaa loo qeybiyay lacag dhan 16,400,000 (Toban iyo Lix Malyan iyo Afar Boqol Kun oo Shillin Soomaali ah), taasi oo bukaannada loo gaarsiiyay si siman.

 

Ugu dambeyntiina, Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jirta Isbitaalka Martiini ayaa iyagana wax laga gaarsiiyay Deeqda Lacageed ee uga timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Hernin ee dalka Denmark, wuxuuna C/llaahi Maxamed Guure oo Jaaliyadda ka wakiil ahaa uu guddoonsiiyay Guddoomiyaha Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ninka lagu magacaabo Cilmi C/llaahi Carraale lacag dhan 8,900,000 (Sideed Milyan iyo Sagaal Boqol Kun Shillin Soomaali ah), taasi oo ay aad ugu farxeen, ugana mahadceliyeen Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Martiini.

 

Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad Cali ayaa markii deeqdaas lacageed lagu wareejiyay kadib waxaa uu jeediyay hadal kooban oo uu ugu mahad-naqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Denmark iyo wakiilladooda lacagta u geeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay yihiin Naafada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka dhiman la’ yihiin oo ay si gaar ah ula socdaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Dibaddiisa ku dhaqan, kuwaasi oo uu ugu duceeyay Cimri-Dherer, Caafimaad, Cibaado Suuban iyo in uu Dadka Soomaaliyeed Alle isu soo celiyo Dalkooda oo nabad ah.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).