15 C
London
Friday, November 7, 2025

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan oo amar ku bixiyay in laga guuro xeryihii Ciidamada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 18, 2007(HOL):Taliyaha Ciidamada Xooga dalka ee Gobalka Hiiraan Col. Axmed Max’ed Axmed (Xubeero) oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in amar ka soo baxay Wasaarada Gaashaan-dhiga Dowlada Federaalka Lagu farayo dadka degan Xeryaha Ciidamada in ay ka guuraan si markaa loo soo nooleeyo Nidaamkii Ciidamada Xooga dalka oo mudo 16 sano ah aan tagin Xeryihii lagu yaqiinay.

 

Gaar ahaan Qoraalka ka soo Baxay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobalka Hiiraan Col. Xubeero  oo si gaar ah farta loogu fiiqay Xerada Lama-galaay ee ku taala Gudaha Magaalada B/weyn, ayaa sidoo kale lagu Dhamaan Xeryaha Ciidamada ee Degmooyinka Gobalku ka kooban yahay kasoo ah ayaa lagu sheegay Qoraalka amar toos ah oo dib looga laaban doonin.

 

“Nidaam Dowladeed ma shaqeyn karo inta Xarumihii Astaanta u ahaa Dowlada ay ku jiraan dad rayid ah  ayuu yiri Col. Xubeero oo dhanka kale sii Raaciyay in Qoysas kasta oo degan xeryaha Ciidamada laga doonayo in ay iska soo dhax magacabaan Gudi si markaa looga wada hadlo waajibaadka laga doonayo si Xeryaha loo baneeyo.

 

Xerada Ciidamada Lama-galaay oo ah tan ugu weyn ee farta lagu gudayo ayaa Sanadii Bur burka waxaa ay isku badashay Xaafad caan ka ah Gudaha Magaalada B/weyn, iyada oo gudaha xarada marka aad gasho xitaa aad ku arkeyso Guryo dhagax ka sameysan oo halkaa laga dhisay, taasoo muujineysa sida ay u adkaan karto in dhaqso halkaa dadka looga raro.

 

Dhinaca kale waxaa inta badan dib uga laabtay deegaanka Jante-guudisho Ciidamadii Dowlada Itoobiya ee halkaa soo dagay mudo haatan laga joogo ku dhawaad 3 Bilood walow hadana wali halkaa ay ku harsan yihiin Ciidamo aan badneyn.

 

Bixitaanka Ciidamadii halkaa daganaa ayaa lagu macneeyay in la xiriirto kulan Sadax geesood ah oo dhawaan  dhax maray Sarkiil ka timid dhulka Ismaamulka Itoobiya, Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, iyo  Duubabka dhaqanka  Gobalka Hiiraan oo siweyn looga dooday Culeyska ay leeyihiin Ciidamada Jooga duleedka Magaalada B/weyn kasoo ugu danbeytii laysla gartay in la dhimo tirada Ciidamada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).