15 C
London
Friday, November 7, 2025

Magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo oo xalay Bandow ku jiray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, June 18, 2007(HOL): Magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa xalay waxaa si rasmi ah uga dhaqangalay bandow ay shalay ku soo rogeen maamullo halkaas ka jira.

 

Magaalada Baydhabo ayaa bandowga xalay saarnaa waxaa lagu soo rogay kadib markii ay dhawaan ka dhaceen labo qarax oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasi oo lala beegsaday Shineemo Aflaanta lagu daawado iyo weliba Bangiga magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Afgooye ayaa iyadana Bandowga lagu soo rogay kadib markii ay magaaladaas ka dhaceen falal amni darro ah, waxaana dadka ku dhaqan labadaas Magaalo loo sheegay in aysan habeenkii guryahooda ka soo bixi karin ilaa waaga-ka-baaryayo.

 

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay ahaa lagu arkayay Waddooyinka Magaalooyinka Afgooye iyo Baydhabo, iyagoo baadi-goobayay dad ka soo horjeeda Bandowga ama kooxaha ka dambeeya falalka Nabadgelyo-darrada ah ee dartood bandowga loo soo rogay.

 

Dhanka kalena, Maamulka Gobolka Bay ayaa wareegto uu maanta soo saaray waxaa uu ku mamnuucay in ay dadku isugu yimaadaan goobaha lagu kulmo sida Shineemooyinka, wuxuuna amarkan ku soo beegmay iyadoo dhawaan Shineemo ku taala Magaalada Baydhabo Bambo Gacmeed lagu tuuray, kadibna ay halkaas ku geeriyoodeen shan ruux oo ka mid ahaa dadkii Shineemada daawanayay.

 

Ugu dambeyntiina, Magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa mar kasta oo ay ka dhacaan falal nabadgelyo darro ah waxaa lagu soo rogaa bandow la sheego in lagu soo celinayo ammaanka, hayeeshee bandowaas oo dhowr habeen socda ayaa marka laga gudbo waxaa dib u bilowda falalkii nabadgelyo darrada ahaa.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).