
Isniin, June 18, 2007(HOL): Labo Caruur ah ayaa geeriyooday 8 ruux oo kalena dhaawacyo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud ayaa soo gaaray kadib markii ay ku qaraxday Miino la dhigay Nawaaxiga Wadada hormarta Wasaaraddii Boostada iyo Isgaarsiinta ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan dhimashada iyo dhaawaca geystay ayaa markii hore la sheegay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la soo dhigay halka uu qaraxa ka dhacay, hayeeshee maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in qaraxaas uu ka dhashay miino lagu soo dhex qariyay qashin yaala nawaaxiga Wasaaraddii Boostada iyo Isgaarsiinta.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda C/fataax Cumar Sabriye Shaaweey ayaa sheegay in qaraxaas dad loo soo qab-qabtay, kuwaasi oo haatan baaris lagu hayo, isla markaana marka baaristooda soo dhamaato saxaafadda loo gudbin doono waxa ka soo baxa baaristooda.
C/fataax Shaaweey waxaa uu intaas ku daray in qaraxaas uu ahaa mid la doonayay in lagu bartilmaameedsado mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ee isticmaala Wadada hor-marta Hotelkii Jubba iyo Wasaaraddii Boostada iyo Isgaarsiinta ee Muqdisho.
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka socotay howl nadaafadeed oo la doonayo in qashinka yaala looga qaado nawaaxiga Dhismaha Wasaaraddii Boostada oo dhawaan lagu bilaabo doono howl dayactir ah.
Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd ay magaalada Muqdisho ka dhaceen labo qarax, kuwaasi oo mid ka mid ah lala beegsaday Cabdi Nuurre Siyaad oo ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii ku bahoobay Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada ee ay bartamihii bishii June 2006 ay ka adkaadeen Maxkamadihii Islaamka ee iyaguna laga adkaaday.
Dhanka kalena, hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysnaa oo sida la sheegay raadsanayay, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta rasaasta loogu furay labadaasi nin, hayeeshee waxaa loo qaatay in kooxaha rasaaseeyay ay ahaayeen kuwo raadsanayay, bacdamaa ay iyaga kaligood bartilmaameedsadaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal loo geysanayo dad aan waxba galabsan oo ay dhici karto in loo waxyeeleynayo heybta ay ka soo jeedaan amaba fikirka ay aaminsan yihiin ee la xiriira cidda ay taageersan yihiin dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda ee isku haya Siyaasadda Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






