15 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Federaalka oo si kulul uga jawaabtay eedeyn uu Cusmaan Caato u jeediyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 17, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si kulul uga jawaabtay hadal uu dhawaan sii daayay Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali (Caato), kaasi oo ahaa in ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay gurigiisa baareen, isla markaana ay ka qaateen Lacag, Dahab ah, Taleefoonno qaali ah.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in hadalka Cusmaan Caato uu ahaa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo uu uga been abuurtay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, isagoo intaas ku sii daray in Hay’adaha Garsoorka Dowladda Federaalka looga fadhiyo in ay sharciga hor-keenaan Cusmaan Caato.

 

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu sheegay in Cusmaan Caato uu ka mid ahaa Hoggaamiyayaashii saxiixay Heshiiskii Colaad Joojinta ahaa ee lagu saxiixay Shirkii Soomaalida Kenya loogu qabtay, kaasi oo qodobadiisa ay ka mid ahaayeen in ay Hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed hubkooda ku wareejiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee sida uu yiri uusan Cusmaan Caato hubkiisa ku wareejin Dowladda Federaalka.

 

Af-hayeenka Xukuumadda Federaalka  Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu sheegay in Guriga Cusmaan Caato laga soo helay hub tankiisa badan yahay oo dhowr gaari lagu soo raray, wuxuuna Cusmaan Caato ku eedeeyay in uu ku xad-gudbay Shuruucda Dalka u degsan, gaar ahaana sharciga ka yaala in aan la heysan karin wax hub ah, sidaas darteedna wuxuu ku cel celiyay in ay Hay’adaha Garsoorka xaq u leeyihiin in ay Dacwad ku soo oogaan Cusmaan Caato.

 

Xildhibaan Cusmaan Caato ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku eedeeyay in ay gurigiisa ka qaateen lacag dhan 369 Kun oo Doollar, Dahab, Seddex Taleefoon oo Nooca Thuraya ah, Saacad Rolex ah oo uu lahaa iyo Taleefoon Nokia ah oo hadiyad ahaan loogu keenay, wuxuuna Cusmaan Caato si cad u sheegay in gurigiisa aan la baarin, balse dhac iyo burburin loo geysatay.

 

Haddaba, Cusmaan Caato oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadalka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in Sharciga la horkeeno ayaa sheegay in aan Dadka sharciga la iska hor-geynin, balse loo baahan yahay Dembi lagu soo oogay, wuxuuna intaas ku sii daray in uu falka lagula kacay gurigiisa uu u gudbin doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, kadib marka uu dalka dib ugu soo laabto Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo howlo shaqo dalka uga maqan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).