15 C
London
Friday, November 7, 2025

Bambo Gacmeed lagu weeraray Bangiga Magaalada Baydhabo oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 17, 2007(HOL): Hal ruux ayaa geeriyooday seddex ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii xalay Bambo lagu tuuray Xarunta Bangiga Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

 

Lama garanayo ciddii Bamkaas ku tuurtay Bangiga Magaalada Baydhabo oo ah mid uu isticmaalo Maamulka Gobolka Bay, hayeeshee weerarkan Bambo ayaa wuxuu noqonayaa midkii labaad oo muddo todobaad gudahiis ah ka dhaca Magaalada Baydhabo, iyadoo labo maalmood ka hor ay ahayd markii Shineemo ku taala magaaladaas Bambo lagu tuuray isla markaana ay halkaas ku geeriyoodeen shan ruux, 9 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Taliyaha Saldhigga Baydhabo Aadan Biid ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan dadkii ka dambeeyay Bamka lagu tuuray Bangiga Magaalada Baydhabo oo ah mid uu isticmaalo Maamulka Gobolka Bay, inkastoo uu sheegay in aysan jirin cid ilaa iyo haatan loo soo qabtay weerarkaas Bambaano.

 

Weerarkan Bambaano ayaa la sheegay in uu fuliyay nin weliga soo qarsaday, kaasi oo markii uu Bamka tuuray baxsaday. Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay weerarrada Bambooyinka loo adeegsaday ee ka dhacaya magaalada Baydhabo oo weli Xarun KMG u ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina, Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Baydhabo ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay ka dhacayaan Qaraxyo lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, inkastoo aysan ilaa iyo haatan jirin cid xaqiijisay in ay xiriir leeyihiin Qaraxyada Muqdisho ka dhaca iyo kuwa Baydhabo laga soo sheegayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).