14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cafis u fidisay Xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo Dadkii la dagaalamay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, June 17, 2007(HOL): Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay in cafis loo fidiyo xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo xoogaggii la dagaalamay Dowladda Federaalka.

 

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa go’aankan isku raacay kadib markii uu cafiskan ajende ahaan u soo hordhigay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo isagu shir guddoominayay kulankii ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Wasiirrada.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa xaqiijiyay warkan ka soo baxay Golaha Wasiirrada, wuxuuna sheegay in cafiska loo fidiyay xubnaha Maxkamadihii Islaamka iyo dadkii la dagaalamay Dowladda Federaalka ay si weyn uga doodeen Xubnaha Golaha Wasiirrada, aakhirkiina ay isku raaceen in cafiskaas uu ka soo baxo.

 

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu intaas ku daray  in Go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo markaasina haddii uu soo ansixiyo loo sii gudbin doono Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, si uu dikreeto ugu soo saaro.

 

Cafiskan loo fidiyay Xubnaha Golihii Maxkamadaha Islaamka iyo Dadkii ka soo horjeeday Dowladda Federaalka ee la dagaalamay ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qaban-qaabo loogu jiro Shir Dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo bisha soo socota 15-keeda lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, iyadoo shirkaasina ay Beesha Caalamka daneyneyso in laga wada qeybgalo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).