14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Mareykanka oo Fursad Taariikhi ah ku tilmaantay Shirka Dib u heshiisiinta ah ee bisha soo socota Muqdisho lagu qaban doono

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, June 16, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka oo dhaqaale ku bixineysa Arrimaha Horumarinta Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya iyo weliba Shirka dib u hehsiisiinta Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Shirka dib u heshiisiinta ah ee 15-ka July ee soo socta lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

 

Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Dalka Kenya Mr. Michael Ranneberger ayaa sheegay  in Dowladda Mareykanka ay 1.25 Milayn Doollar ay ugu deeqday Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo shirkaasna ku tilmaamay mid Dowladda Federaalka u horseedaya Mustaqbal Dimoqraadiyadeed.

 

“Waxaan rumeysannahay in Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu yahay fursad taariikhi ah oo ay isugu imaanayaan Dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay uga wada xaajoodaan waxyaabihii sababta u ahaa in ay kala qeybsanaadaan muddo dheer”ayuu yiri Michael Ranneberger oo wariyayaal kula hadlay magaalada Nairobi.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Dalka Kenya ugu baaqay in ay Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka dhigto mid laga qeybgalo, si looga hortago in dalka Soomaaliya uu dib ugu noqdo qas iyo fowdo ku saleysan Hab-Qabiil, kuwaasi oo uu dalka Soomaaliya ka caado yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre.

 

Hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo markii labaad dib loo dhigay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la doonayo in ay ku heshiiyaan Qabaa’illada Soomaaliyeed, iyadoo sababta dib loogu dhigayna lagu sheegay in Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay weli ku mashquulsan yihiin soo xulashada Ergooyinkii Shirka u meteli lahaa iyo iyadoo uu weli dayactir ka socda halka Shirka lagu qabanayo oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).