Sabti, June 16, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay dadkii ka dambeeyay Qaraxyo shalay ka dhacay seddex goobood oo Muqdisho ku yaala.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee Dhinacyada Siyaasadda iyo Ammaanka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ayaa sheegay in ay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sida uu yiri markii la soo qabanayay isku uruursanayay guri ku yaala Degmada Kaaraan.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho waxaa uu intaas ku daray in raggaas loo soo qab-qabtay qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay sharciga la hor-geyn doono, isla markaana waajibkooda la marsiin doono, wuxuuna u mahadceliyay Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay dadaal xooggan u galeen sidii ay u soo qaban lahaayeen kooxahaas oo uu sheegay in ay Nabadgelyo darro ka wadeen Magaalada Muqdisho.
Sidoo kalena, soo qabashada Raggaas lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay ayaa waxaa caddeeyay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble, kaasi oo carrabka ku dhuftay in ay raggaas laga soo qabtay Guri ay ka abaabulayeen weerarrada Qaraxyada ah.
Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiino iyo agagaarka Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo sababay dhimashada shan ruux, kuwaasi oo ay xitaa ku jireen caruur aan waxba galabsan oo isaga ciyaarayay agagaarka halka qaraxa uu ka dhacay.
Ugu dambeyntiina waxaa saakay ka socda Xaafado dhowr ah oo ku yaala Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Wardhiigley howlgallo hub uruurin iyo amni sugid isugu jira, kuwaasi oo ay sameynayaan Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






