14.2 C
London
Friday, November 7, 2025

Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay 4 Milyan oo Doollar ku bixineyso Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo Gargaarka Bani’aadannimada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 15, 2007(HOL): Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay dhaqaale gaaraya 4 Milyan oo Doollar ay ku bixineyso Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo weliba horumarinta Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya.

 

Warbixin laga soo saaray Safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in Dhaqaalahaas loo marsiin doono Soomaaliya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee UNDP, iyadoo warbixintaas lagu caddeeyay in 1.25 Milyan oo dhaqaalahaas ka mid ah loogu talagalay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu qaban doono 15-ka Bisha July ee soo socota.

 

Safiirka Dowladad Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Micheal Ranneberger ayaa saxiixi doona 4-ta Milyan ee ay Dowladda Mareykanka ugu talagashay Horumarinta Gargaarka Bani’aadannimada  Soomaaliya iyo weliba Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Warbixintan ka soo baxday Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Dalka Kenya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo markii labaad dib loo dhigay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee loo qabanayo Qabaa’illada Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Guddiga loo xilsaaray Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa sheegay in shirka dib loo dhigay ilaa 15-ka July, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in aan weli la dhameynin dayactir lagu hayo Xarunta Gaadiidka Booliska oo shirka lagu qaban doono iyo iyadoo weliba ay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ku mashquulsan yihiin soo xulashada Ergooyinkii Shirka uga qeybgeli lahaa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).