13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Shan Ruux oo ku geeriyootay Bambo lagu tuuray Shineemo ay daawanayeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 15, 2007(HOL): Shan ruux  oo Shineemo ku daawaanayay Xaafadda Horseed ee magaalada Baydhabo ayaa geeriyootay 9 ruux oo kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Bambo Gacmeed lagu tuuray halkii ay Shineemada ku daawanayeen.

 

Dadka ku dhaawacmay halkaas ayaa la dhigay Isbitaallada Magaalada Baydhabo, iyadoo qaar ka mid ah dadkaas dhaawaca ah xaaladdooda laga deyrinayo sabab la xiriirta in uu dhaawac culus soo gaaray.

 

Lama garanayo Dadkii Bambadaas ku tuuray Shineemada ay Dadku daawanayeen, wuxuuse Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo Dhamme Aadan Biid uu sheegay in ay baarayaan dadkii falkaas ka dambeeyay.

 

Waa markii ugu horeysay oo weerar ceynkan oo kale ah gudaha Magaalada Baydhabo loogu geysto Dad Shineemo daawanayay, hayeeshee dadka qaarkiis ayaa sheegaya in ay falkaas ka dambeeyeen dad ka soo horjeeda daawashada Aflaanta, bacdamaa halka Bamka lagu tuuray ay tahay meel shineemo lagu daawanayay.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Shineemo ku taala Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyadana lagu tuuray Bambo gacmeed, iyadoo markaasi kadibna ay halkaas ku dhinteen 6 ruux oo ahaa Dadkii Shineemada daawanayay.

 

Dalka Soomaaliya oo haatan ay ka taliso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Dalka Soomaaliya waxaa ka dhaca falal ceynkan oo kale ah, iyadoo ay sii dheer yihiin Weerarro Qaraxyo ah oo lala beegsado fariisimaha Ciidamada Dowladda Federaaka iyo kuwa Itoobiya, waxayna dhamaan falalkaas muujinayaan in aanu gacanta ku wada jirin ammaanka dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).