
Khamiis,June 14, 2007(HOL): Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam ayaa deeq dawo ah waxaa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaallada la dhigo dadka ay soo gaaraan dhaawacyada kala duwan ee Magaalada Muqdisho.
Deeqdan Dawada ah ee la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ayaa waxaa Ururka Bani’aadam u soo diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Toronto ee dalka Canada, kuwaasi oo dareemay inay jirto baahi weyn oo dhinaca dawada ka heysata Isbitaallada Magaalada Muqdisho ee dhaawacyada la dhigo. agaasimaha Dr. Xasan Buurane
Guddoomiyaha Ururka Samafalka Wadaniga ah ee Bani’aadam C/Casiis Mayow Maxamed oo Deeqdan gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in Deeqda Dawada ah ee ay gaarsiiyeen Isbitaalka Madiina ay ahayd mid uu Isbitaalka u baahnaa, wuxuuna farta ku fiiqay in Isbitaalka ay jiifaan bukaanno badan oo dhaawacyo kala duwan qaba, kuwaasi oo ay xitaa ku jiraan kuwo ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii Maarso iyo April ee aynu ka soo gudubnay.
Deeqdaas Dawada ah ee uu Ururka Bani’aadam gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ayaa waxaa guddoomay Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Xasan Buurane, kaasi oo si weyn ugu mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Toronto ee dalka Canada iyo Ururka Bani’aadam ee u soo gurmaday Bukaannada Isbitaalka Madiina ku jira, wuxuuna Dr. Xasan Buurane ku tilmaamay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto ku dhaqan kuwo leh Damiir Wadaniyeed, bacdamaa sida uu yiri ay soo xusuusteen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Wadanka Soomaaliya.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Xasan Buurane waxaa uu intaas ku daray in Isbitaalka Madiina oo ay haatan jiifaan bukaano ka badan Sariiraha Isbitaalka yaala ay Dawada la soo gaarsiiyay tahay mid uu Isbitaalka u baahnaa, taasi oo uu caddeeyay in ay Isbitaalka ku filnaan doonto muddo bil ah.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Toronto ee Dalka Canada ayaysan ahayn markii ugu horeysay oo ay Deeq soo gaarsiiyaan Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Wadanka Soomaaliya, waxayna horay sidaan oo kale ay Deeq Dawo ah u gaarsiiyeen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay Deeq Raashin ah gaarsiiyeen dadkii ka barakacay Dagaalladii Muqdisho, kuwaasi oo u hayaamay Deegaano hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






