Khamiis,June 14, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa weerarro xooggan loo geystay fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho jooga, iyadoo weerarradaasna ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo hal mar lagu qaaday dhowr fariisin oo ay Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin.
Fariisimada la weeraray ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen ayaa waxaa ka mid ahaa Warshaddii Boostada, Xaruntii Shiirkole iyo Isgoyada Baar Ayaan iyo Cali Kamiin. Weerarrada loo geystay fariisimadaas ayaa waxay ahaayeen kuwo aad loo soo abaabulay oo waqti isku mid ah lala wada beegsaday fariisimadaas.
Weerarradaas kadib ayaa waxaa dhacday rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo ku jawaabeen Ciidamada Itoobitaanka ah ee weerarka lala beegsaday, kuwaasi oo xalay laga maqlayay Degmooyinka Magaalada Muqdisho. Dad badan ayay xalay cabsi geliyeen qaraxyada lala beegsaday Fariisimada Ciidamada Itoobiyaanka iyo rasaasta ay Ciidamada la weeraray ku jawaabeen, waxayna dadka Mqudisho xalay dib u xusuusteen xiligii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii April iyo May ee aynu ka soo gudubnay.
Haddaba Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay weeraradii xalay lagu qaaday fariisimada Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta shir guddoominay kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka uu sheegay in weerarradaas oo ahaa kuwo abaabulan aysan wax dhibaato ah ka dhalan, wuxuuna intaas ku sii daray in howlgallo ammaanka lagu sugayo oo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay natiijo wanaagsan ka soo baxday.
Sidoo kalena, Weerarradii xalay lagu qaaday fariisimada Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo weliba dilkii saakay loo geystay Guddoomiyihii Degmada Shibis marxuum Abuukar Xuseen Bandaas waxaa si weyn u cambaareeyay Maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna Guddoomiyaha Maamulkaas Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in kooxihii ka dambeeyay weerarradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo dilkii saakay loo geystay Guddoomiyihii Degmada Shibis ay xiriir leeyihiin, hayeeshee aan laga hari doonin.
Dilalka loo geysanayo Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo weliba qaraxyada lala beegsanayo Xarumaha Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa waxay dhamaantood muujinayaan in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid aan weli hagaagsaneyn oo wax ka qabasho u baahan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






