13.5 C
London
Friday, November 7, 2025

Shiikh Shariif oo beeniyay in ay Isbaheysi ka dhan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku aas-aaseen Dalka Eritrea

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis,June 14, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsat ee ka soo baxa Magaalada London ee Dalka Ingiriiska waxaa uu ku beeniyay in ay Isbaheysi ka dhan ah Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wax kaga aas-aaseen dalka Eritrea.

Shiikh Shariif oo marka uu Wareysigan bixinayay ku sugnaa Magaalada Doxa ee dalka Qadar waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay jiraan dalaallo ay wadaan mas’uuliyiinta Golihii Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ku aadan in dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.

Shiikh Shariif oo sidoo kale wax laga weydiiyay Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in aaney xiligan suurtagal ahayn in Dalka Soomaaliya lagu qabto shir dib u heshiisiineed, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in aysan dadka Soomaaliyeed xor ahayn oo ay heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo duulay.

Hadalkan Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed uu u sheegay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da in ay la socdaan Isbaheysi ka dhan ah Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ku aas aaseen Ururrada OLF, ONLF, Maxkamadihii Islaamka iyo weliba xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya, kuwaasi oo laga saaray Golaha Baarlamaanka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay si taxadar leh ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada Isbaheysigaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xubno ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka ee talada dalka Soomaaliya lagala wareegay iyo xubno ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr ah oo ku yaala dalka Soomaaliya ayaa waxay ku sii qulqulayeen Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay ku martigelisay Dowladda Eritrea oo colaad weyn ay kala dhaxeyso Dowladda Itoobiya oo iyaduna gacan siineysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).