Khamiis, June 14, 2007(HOL): Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. C/risaaq Isaaq Biixi oo shalay loo magacaabay xilka Wasaaraddaas ayaa sheegay in uu is-bedel iyo horumarin ku sameyn doono Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo mudadii 16-ka sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay ku noolaa xaalad aad u adag.
Wasiirka waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u burburay sidii uu dalka u burburay ay lagama maarmaan tahay in dib loo habeeyo, isla markaana laga dhigo sidii uu ahaan jiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inkastoo uu carrabka ku dhuftay in ay jirto dhibaato dhaqaale la’aaneed oo heysata Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo saameyneysa tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka.
Col. C/risaaq Isaaq Biixi waxaa uu sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay, isla markaana uu waajibka la saaray u gudan doono sida uu ugu dhaartay. Xilkan loo magacaabay Col. C/risaaq Isaaq biixi waxaa horay u hayay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo xilkaas laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan uu ku sifoobay, walow uu Col. Barre eedeyntaas waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Magacaabista Col. C/risaaq Isaaq Biixi ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay badankood ku jiraan xerooyin magaalada banaankeeda ah, isla markaana ay howshii laga rabay in ay qabtaan ay hayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheego in ay gacan siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu muddo labo sanadood ka badan ku soo qaadaay magaalooyin aanan ahayn Caasimadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Qorsheynta Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Col. C/risaaq Isaaq Biixi iyo Dr. Cali C/llaahi Cosoble ayaa maanta lagu hor-dhaariyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo lagula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan sida ay ugu dhaarteen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






