Khamiis, June 14, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa saakay aroornimadii gurigiisa lagu dilay Guddoomiyihii Degmada Shibis Marxuum Abuukar Xuseen Bandaas, iyadoo dilka marxuumkana ay ka dambeeyeen labo nin oo Bastoolado ku hubeysnaa.
Marxuumka ayay dadkii yaqaanay sheegeen in uu si weyn u diidanaa in uu sameysto ilaalo waardiyeysa, wuxuuna dhihi jiray “Aniga waqtigeyga ayaan dhimanayaa, mana sameysanayo wax ilaalo ah”. Sidoo kalena dadka yaqaanay Guddoomiyihii Degmada Shibis waxay sheegeen in uu marxuumka ahaa shaqsi si caadi ah dadka isaga dhex mushaaxa, isagoo aanan ilaalo laga heynin, waxayna dilkiisa ku tilmaameen mid naxariis darro ah oo ka dhan Bani’aadannimada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa dhawaan ugu baaqay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay Saldhigyada Booliska ee Degmooyinkooda ku yaala ay ka kaxeystaan Askar waardiyeysa, isagoo xusay in Guddoomiyihii Ilaalo sameysan waaya uu mas’uul ka noqon doono wixii naftiisa soo gaara.
Dilka Guddoomiyihii Degmada Shibis ayaa wuxuu noqonayaa Guddoomiyihii Degmo ee afaraad oo magaalada Muqdisho lagu dilay tan iyo markii ay Dowladda Federaalka u soo guurtay magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Howl-Wadaag, iyadoo ay xusid mudan tahay in sidoo kale Muqdisho lagu dilay Guddoomiye Degmo oo loo magacaabay Degmada Ceel-Buur ee Gobolka Galgaduud.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dilalka loo geysanayo Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo weliba qaraxyada lala beegsanayo Xarumaha Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa waxay dhamaantood muujinayaan in ammaanka Magaalada Muqdisho uu yahay mid aan weli hagaagsaneyn oo wax ka qabasho u baahan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






