Talaado, June 12, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga loo xil saaray Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in qabashada shirkaas mar kale dib loo dhigayo, iyadoo dib u dhigistan ay ku soo beegmeyso iyadoo mudadii loo qabtay in uu shirkaas furmo ay ka harsan tahay 2 maalmood kaliya.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in sababta mar kale dib loogu dhigayo qabashada Shirka ay tahay iyadoo aan weli la isu keenin Ergooyinkii shirka ka qeybqaadan lahaa oo laga doonay Gobollada Dalka Soomaaliya iyo iyadoo aan weli la heynin halkii la dejin lahaa ergooyinkaas.
Guddoomiyaha Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed waxaa uu caddeeyay in uusan shirka arrimo kale dib ugu dhaceynin, sida arrimaha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo halkii lagu qaban lahaa, isagoo hoosta ka xariiqay in muddo todobaadyo ah ay dib u dhici karto bilaabashada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Waa Markii labaad oo uu dib u dhac ku yimaado shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna ahayd 16-kii April ee aynu ka soo gudubnay markii ugu horeysay ee la doonayay in uu shirkaas ka furmo magaalada Muqdisho, hayeeshee xiligaas waxaa Magaalada Muqdisho ka socday Dagaalladii u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo dhinac ah iyo Kooxo wax iska caabin ah oo ka soo horjeeday.
Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabanayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo horjeeda Xubno la baxay Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Xorta ah ee haatan ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea iyo Hoggaamiyayaasha Maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo sheegay in aan xiligan dalka gudahiisa lagu qaban karin Shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed, waxayna taasi sabab uga dhigeen in Dalka Soomaaliya uu yahay mid aan xor ahayn oo ay heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah.
Sidoo kalena Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa iyaguna sheegay in aaney waxba kala soconin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la sheegay in lagu qabanayo magaalada Muqdisho, wuxuuna Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali uu sheegay in aysan jirin cid la soo xiriirtay oo u sheegtay in shir dib u heshiisiineed la qabanayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






