
Talaado, June 12, 2007(HOL): Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya uu ku egyahay 30-ka bishan June 2007, iyadoo uu bilaaban doono isticmaalka baasaboor cusub oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo sameysay.
Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in 30-ka bishan uu si rasmi ah u dhaqangeli doono Baasaboor cusub oo nooca e-passaport ah, kaasi oo aysan sahleynin in la been abuuro oo si sahal ah loo sameysto.
C/llaahi Gaafow Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in Baasaboorka cusub laga heli karo xafiisyo ay Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka ka sameysay gudaha Soomaaliya iyo weliba xarumo laga sameeyay dalal ku yaala shanta Qaaradood ee Adduunka, kuwaasi oo ay Dadka Soomaaliyeed ka heli karaan Baasaboorka cusub ee Soomaaliyeed. Dadka ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa Baasaboorka cusub waxay ku heli karaan qiimo dhan 100$, halka kuwa jooga Dalka Dibaddiisana ay Baasaboorka ku heli karaan 150$.
Agaasimaha Waaxda Socdaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud Mar wax laga weydiiyay in Qiimaha Baasaboorkan cusub uu u muuqdo mid aad u badan ayaa waxaa uu sheegay in qiimahaas uusan badneyd, isla markaaana ay Baasaboorkan soo sameyntiisa ku kacday qiimo intaas ka badan, kaasi oo ay Dowladda Federaalka dhiibtay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baasaboorkan cusub soo sameysay kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo dalalka caalamka qaarkood ay diideen in lagu soo galo, waxaana taasi keenay wariyayaal ajnabi ah oo dalka Soomaaliya booqasho ku tegay, kuwaasi oo si sahal ah Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho uga sameystay Baasaboorka Soomaaliyeed.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Baasaboorkan cusub ayaa marka ay aqoonsadaan Dowladaha Caalamka waxaa uu meesha ka saari doonaa dhibaato dadka Soomaaliyeed ka heysata dhinaca socdaalka, taasi oo timid kadib markii uu qiimo beelay Baasaboorkii hore ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






