Talaado, June 12, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan xalinta mushkilad ka dhalatay maamul ay Dowladda Federaalka u magacawday Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wasiirka waxaa uu sheegay in guddoomiye loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose iyo wafdi uu hoggaaminayay oo socdaallo ku kala bixinayay deegaano ka tirsan Gobolkaas ay is-hortaag ku sameeyeen, isla markaana ay rasaaseeyeen maleeshiyooyin ku sugan deegaano ka tirsan Gobolkaas, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid khalad ahayd, waayo ayuu yiri maamulka gobolka Shabeelaha Hoose loo soo dhisay waa mid ay soo magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu intaas ku daray in markii ay isku dhaceen ciidamadii dowladda ee la socday Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Maleeshiyooyin horay u joogay Deegaano ka tirsan Gobolka ay Dowladda go’aansatay in Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa Muqdisho dib loogu soo celiyo, si loo baajiyo colaad ka dhacda Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dooneysaa in ay wada xaajood iyo xal wax ku raadiso, weyna la hadli doontaa dadka ka soo horjeestay maamulka loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose, hayeeshee haddii ay doonayaan in ay xoog wax ku raadiyaan Dowladda Federaalka tallaabo ayay ka qaadi doontaa”ayuu yiri Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere), Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka oo inta badan soo magacawday Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa laga sugayay in ay maamul u sameyso Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna ugu dambeyntii magacawday maamul uu guddoomiye ka yahay Dr. C/qaadir Maxamed Nuur (Dr. Suufi), kaasi oo haatan ay mucaaradnimo kaga timid deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






