
Talaado, June 12, 2007(HOL): Guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Netherland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka ee ka dhacaya waddanka Sooomaaliya. Kulan uu guddigani maalintii talaadada ee 5ta juun 2007, kula yeeshay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku dhaqan waddanka Netherland xarunta Baarlamaanka oo ku taalla magaalada The Hague ( Denhaag), ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda faraha ka sii baxeysa ee Soomaaliya, gaar ahaanna tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay geysanayaan ciidammada Itoobiya iyo xulafadoodu.
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa kulankaasi mas’uuliyiinta Nederland ugu gudbiyay qoraallo iyo muuqaallo caddeynaya dhibaatada aan loo dulqaadan karin ee Soomaaliya – gaar ahaan Muqdisho – ka dhacday. Sidoo kale waxay aqoonyahannadani u gudbiyeen guddiga arrimaha dibedda ee Baarlamaanka qoraal cabasho ah (Petition) oo uu hal-ku-dheggiisu ahaa ” Jooji duqeynta shacabka Iyo xadgudubyada qorsheysan ee ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka socda Muqdisho, Soomaaliya“. Qoraalkan (Petition) waxaa saxiixay in ka badan 1200 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda qawmiyadaha kala duwan ee ku dhaqan waddanka Nederlaan, kuwaas oo aad uga soo horjeeda tacaddiyada ka socda Soomaaliya. Qoraalkan oo aad u dheeraa, xanbaarsanaana macluumaad fara badan oo ku aaddan ku xadgudubka xuquuqda shacabka Soomaaliyeed iyo jebinta sharciyada Qarammada Midoobay, wuxuu ka codsanayaa dowladda Nederland iyo Midowga Yurub in ay si degdeg ah wax uga qabtaan arrimo ay ka mid yihiin:
In si degdeg ah loo joojiyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadminnimada ee ka dhacaya Soomaaliya
In wax laga qabto joogitaanka sharci darrada ah ee ciidammada Itoobiya, kaasoo khilaafsan dhamaan go’aannadii golaha ammaanka, lana soo afjaro joogitaankooda Soomaaliya.
In gargaar degdeg ah lala gaaro dadka ka qaxay colaadahaas oo kor u dhaafaya 400 000 (Afar boqol oo kun) .
In caddaaladda la horkeeno cid kasta oo mas’uul ka aheyd tacaddiyada dhacay, lana asaaso Maxkamad Caalami ah oo gaar u ah danbiyada Soomaaliya ka dhacaya, sida Maxkamada u gaarka ah dambiyadii Rwanda iyo Burundi.
Iyo in dowladda Nederland iyo Midowga Yurub ay door wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda dhibaatooyinka sii darsanaya ee ka aloosan Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka ee arrimaha dibadda, Henk Jan Ormel, oo ku hadlayay magaca guddigaas kana tirsan xisbiga talada waddanka haya ee Christian Democrats (CDA ) ayaa ugu horreyn ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida iyo burburka ku yimid shacabka aan waxba galabsan. Guddoomiye Ormel oo ku tilmaamay waxyaabaha Soomaaliya ka dhacaya kuwo aan loo dulqaadan karin ayaa yiri “Waxan wasaaradda arrimaha dibadda ee Nederland ka filaynaa dhowaan faahfaahin ku saabsan waxa ka dhacaya Soomaaliya” isagoo intaas sii raaciyay in macluumaadka ay aqoonyahannadu u dhiibeen ay la kaashan doonaan wax ka qabashada arrimaha Soomaaliya.
Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Kathleen Farrier oo iyana ka tirsan xisbiga talada haya, si aad ahna isugu hawsha dhawrida xuquuqul insaanka. Waxay ku tiirtiirsatay oo garab istaagtay Soomaalida isu taagtay inay indhaha caalamka ku soo jeediyaan tacaddiyada ka dhacaya Soomaaliya. “Waxaan aad ugu riyaaqayaa idiinkuna boorinayaa tallaabadan ku dayashada mudan ee aad ku dhaqaaqdeen” ayay tiri Kathleen”
Waxa iyana ka qayb qaatay kulankaas mudanayaal ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah, sida Hans van Baalen oo ah siyaasi caan ka ah xisbiga muxaafadka ah ee VVD isla markaana ahaa guddoomiyihii hore ee guddigan arrimaha dibedda ee Baarlamaanka. Ewout Irgang oo ka tirsan xisbiga Hantiwadaagga ah ee SP ayaa isna aad u soo dhoweeyey arrintan horseedka ah. Wuxuu ballan qaaday in dawladda wadaagga ah ee Nederlaan ay aad ugala xisaabtamayaan ka hortagga iyo wax ka qabashada tacaddiyada xuquuqul insaanka guud ahaan gaar ahaanna Soomaaliya. Wuxuu aqoonyahannadii kulankaas ka qaybgalay ku boorriyay iney iyaguna waxqabad la’aanta ku saabsan arrimahaan ay kala xisaabtamaan Baarlamaanka.
Mudanayaashii kale ee iyaguna kulankaas goobjoogga ka ahaa waxaa ka mid ahaa Martijn Van Dam oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha (PvdA) iyo Karein Van Gennip oo ka tirsan xisbiga talada haya ee CDA.
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee kulankaas ka qeybgalay, qoraalladana u gudbiyay mudanayaasha Baarlamaanka Nedrland ayaa waxay kala ahaayeen: Inj. C/Sadiiq Cali Maxamuud, Inj. C/Casiis Daahir Axmed iyo Inj. Maxamed Cali Cibaar.
Kulanka oo ku dhamaaday jawi is-faham leh, waxaa gabagabadii laysku waafaqay in ay waajib tahay in la dhowro xuquuqda bani’ aadamka iyo in aysan dhicin in dambiyada dagaal iyo xadgudubyada la galayaa ay noqdaan kuwo lagu dallaco oo darajooyin lagu gaaro.

Hiiraan Online
warar@hiiraan.com
Hague, Netherland






