Jimco, June 01, 2007(HOL): Alle ha naxariistee waxaa Caawa la dilay Guddoomiyihii Degmada Howl-Wadaag marxuum Xasan Cali Siyaad (Xasan Fareey), kaasi oo ay dilkiisa ka dambeeyeen labo nin oo Bastoolado ku hubeysnaa.
Marxuumka ayaa markii la dilayay waxaa uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib, kaasi oo ku yaala isla Degmada Howl-Wadaag, waxaana sida la sheegay uu ku sii jeeday gurigiisa.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in ay labada Nin ee dilka geystay ay ku meereysanayeen halka ay Guddoomiyaha ku dileen, mana suurtagelin in la sheego intii aysan dilka fulin.
Waa Guddoomiyihii seddexaad oo lagu dilo magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dilay Guddoomiyayaashii Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo dilalkoodana ay ku soo beegmeen xili aysan hagaagsaneyn xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayay Dad rayid ah iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya iyo weliba qaraxyo lala beegsanayay fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, iyadoo falalkaasina la sheegay in ay ka dambeeyaan kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Dalka Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir oo laga toogtay Seddex Guddoomiye Degmo ayaa wuxuu mar kasta sheegaa in uu wax ka qabanayo amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, tiiyoo ay sii kordhayaan dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, Saraakiisha Ciidamada iyo weliba mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com






