17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo ka wada hadlay Arrimaha Nabadgelyada Gobolka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 01, 2007(HOL): Kulan daba joogay Qarax dhawaan lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee degan duleedka Magaalada B/weyn, loogana hadlayay arimaha nabad-galyada ayaa ku dhax maray Xerada Jante-guudisho sarkiisha Itoobiya iyo Odayaasha dhaqanka.

Beelaha Gobalka Hiiraan.

 

Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiinta maamulka Gobalka iyo sarakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka ee Gobalka Hiiraan,  kuwaasoo dhinacooda ka qeyb-qaatay wada hadalka labada dhinac.

 

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee kulanka ka haday ayaa sheegay in ujeetada ugu weyn ee wada hadalku yahay Arimaha Nabad-galyada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in mar kale aysan dib  u soo laaban dhacdadii dhawaan ay ku geeriyooday 4 ruux ee rayidka ah,  islamarkaana lagu weeraray Gadiidkii ay wateen Ciidamada Itoobiya.

 

Saraakiishu waxaa ay intaa ku dareen in dhinacooda amar buuxa ku qabaan hadii la soo weeraro in ay is difaacaan  lakiin laga yaabo in dad badan oo aan waxba galabsan ku dhintaan,  ayaga oo intaa sii raaciyay si arimahaa oo dhan meeha looga saaro Odayasha dhaqanka, Maamulka Gobalka, iyo saraakiisha Ciidamada oo is garab-sanaya laga wada shaqeeyo  Sugida Nabad-galyada.

 

Dhanka kale Saraakiisha Itoobiya waxaa ay ka hadleen arimaha Ciidamada oo ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan nidaamsaneyn loogana fadhiyo Sarakiisha Ciidamada ee ka howl-gala gobalka  in ay sameeyaan Nidaam gaar ah oo ay ku shaqeeyaan Ciidamada Dowlada Federaalka,  iyaga oo dhanka kalana ku cel celiyay Saraakiisha Itoobiya Cawaaqibka ka dhalan kara werar danbe oo lagu soo qaado, 

 

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa dhinacooda balan qaaday in ay qeyb ka qaadan doonaan arrimaha Nabad-galyada iyaga oo garab-sanaya dhinaca Maamulka,

 

Kulanka dhax maray labada dhinac ayaa ahaa mid la xiriiray werarkii dhawaan lagu qaaday Ciidamada Itoobiya taasoo keentay in rasaas culus oo ay rideen Ciidamad Itoobiya in ay ku geeriyoodaan 4 Ruux oo rayid ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).