17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dad ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo ka cabanaya Rasaas ay Dab-rid ahaan ugu ridaan Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 01, 2007(HOL): Dadka ku dhaqan Xaafadaha Towfiiq iyo Gubta oo ka kala tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley ayaa waxay ka cabanayaan rasaas ay Dab-rid ahaan ugu ridayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.

 

Dadkani ayaa sheegay in ay dhowr qofood waxyeello dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ka soo gaartay rasaasta ay Ciidamada Itoobiyaanka ku rideen, weliba xili aysan jirin wax dagaal ah.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay dadkani ka codsadeen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay ku hayaan Ciidamada Itoobiyaanka, waxayna si gaar ah uga codsadeen in ay Ciidamadan ka dul qaadaan.

 

Xaafadaha ku dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho ayaaney weli ku soo noqonin badi dadkii deganaa, waxaana taasi ugu wacan iyadoo  Jid-cadayaasha xaafadahaas aad ku arkeyso Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan.

 

Sidoo kalena, Dadka ku dhaqan Xaafadda Xamar Bile, gaar ahaan kuwii deganaa nawaaxiga Dugsiga Maxamuud Xarbi ayaa iyaguna waxay qaati ka taagan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo qaarkood ku dhaqmaya guryahoodii, iyadoo ay  u sii dheer tahay in ay mararka qaarkood xiraan dadka xaafadda ku cusub ee aysan horay u arki jirin, waxayna taasi cabsi iyo xoriyad la’aan dareensiisay Dadka Xaafadahaas ku dhaqan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee laga cabanayo ayaa waxay ku sugan yihiin goobihii la geeyay xiligii ay socdeen dagaalladdii Muqdisho ka dhacay, mana suurtagelin ilaa iyo haatan in dib loo celiyo oo laga dulqaado guryaha ay dadka rayidka ah ku noolaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).