17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Federaalka oo Haween Soomaaliyeed u diiday Shirka ay uga qeybgeli lahaayeen Dalka Talyaaniga

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 01, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in ay shir u tagaan Dalka Talyaaniga Haween Soomaaliyeed oo marti-qaad ka helay Dowladda Talyaaniga.

 

Go’aanka Haweenkan loogu diiday ka qeybgalka shirka ka dhacaya Talyaaniga ayaa waxaa uu ka soo baxay shir ay Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegay in aysan jirin wax ogeysiin ah oo ay shirkaas ka heystaan, sidaas darteedna aysan Haweenkaas Talyaaniga u dhoofi doonin.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa casuuntay 100 Haween ah, kuwaasi oo loo casuumay in ay ka qeybgalaan shir Talyaaniga ka dhacaya, waxaana casuumaaddaas ku dhawaaqday Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizzia Sentanelli oo dhawaan booqasho ku tagtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa sheegay in ay shirkaas u arkeen mid lagu carqaladeynayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono  Magaalada Muqdisho, bacdamaa sida uu yiri ay isku soo beegmayaan waqtiga la qabanayo labada shir.

 

Cabdi Xaaji Gaab-doon waxaa uu sheegay in haddii arrimaha shirka Haweenka lagu soo wargelin lahaa Dowladda Soomaaliya aysan taasi dhibaato ahaan lahayn balse haatan ay u muuqato in shirkaas lagu carqaladeynayo shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in go’aanka ay qaateen Golaha Wasiirrada Soomaaliya uusan wax u dhimi doonin Xiriirka ka dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirrada ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi uu dalka Dibadda uga maqan yahay, isla markaana uu shirka go’aankaas lagu gaaray uu shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha Xasan Abshir Faarax.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).