17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo loo helay dhaqaalihii ugu horeeyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, June 01, 2007(HOL): Shirka Dib u heshiinta Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho ayaa loo helay dhaqaalihii ugu horeeyay oo shirkaas lagu sii bilaabo.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa shaaca ka qaaday in qaar ka mid ah Dalalka Deeqaha Bixiya ay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed si hordhac ah u siiyeen lacag dhan 8.5 Milyan oo Doollar, taasi oo lagu wareejiyay Guddiga Qaban qaabada Shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, inkastoo ay lacagta wax ka maamuleyso Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Mashaariicda ee UNDP.

 

Lacagtaas ayaa loo adeegsan doonaa in lagu soo daad-gureeyo Ergooyinka shirka ka qeybgelaya oo tiradooda ay gaareyso 1325 ergay, kuwaasi oo laga keenaya gudaha Dalka Soomaaliya iyo dibaddiisa intaba iyo weliba dayactirka iyo qalabeynta halka lagu qaban doono Shirka Dib u heshiisiinta oo ah Xaruntii Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed.

 

Shirka Dib  u heshiisiinta Soomaaliyeed oo lagu waday in uu qabsoomo 16-kii April ee sanadkan ayaa dib loo dhigay ilaa 14-ka bishan kadib markii la waayay dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa iyo iyadoo ay xiligaas caasimadda Soomaaliya ka socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo taageero ka helayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo kacdoono waday oo ka soo horjeeday.

 

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabinaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomalaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo wax laga weydiiyay suurtagalnimada in mar kale uu shirka dib u dhaco ayaa sheegay in uu qabsoomi doono shirka xiliga loogu talagalay oo ah 14-ka bishan June ee maanta 1-da ah, inkastoo uu shaaciyay Wargeyska Sharqul Awsat oo soo xiganayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) in ay suurtagal tahay in shirka mar kale dib loo dhigo.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirkan Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo ah mid ay ku baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalkiisa ka biyo diiday Hoggaamiyayaasha Maxkamadihii Islaamka iyo weliba Siyaasiyiin laga saaray Baarlamaanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Asmara ee dalka Eritrea, inkastoo guddiga qaban qaabada shirka ay sheegayaan in ay casuumayaan Xubnahaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).