Jimco, June 01, 2007(HOL): Hoggaamiyaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi ayaa magaalada Sirta ee Dalka Liibiya waxaa uu kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay gaaray Dalka Liibiya.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba dib u dhiska Dalka Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday dhiggiisa Liibiya in uu kaalin mug leh ka qaato shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu madaxweynaha Liibiya ku wargeliyay in xaalka dalka Soomaaliya uu ka soo reynayo ammaan ahaan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo af-jarmeen dagaalladii dhacay bilihii Maarso iyo April ee sanadkan.
Warkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Liibiya ayaa wuxuu intaas ku darayaa in ay labada madaxweyne sidoo kale ka wada hadleen sidii Soomaaliya loo geyn lahaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka qeyb-qaata sugidda Ammaanka Dalka Soomaaliya, iyadoo haatan ay Magaalada Muqdisho ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Dalka Uganda.
Dowladda Liibiya ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha saaxibka dhow la ah Dalka Soomaaliya, waxayna tan iyo burburkii Dowladdii hore ay Soomaaliya la garab taagneyd taageero dhinacyo kala duwan leh, inkastoo taageeradaas ay helayeen madaxda Dowlado kala duwan oo Soomaaliya loo soo dhisay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dalka Liibiya waxaa uu u tegay in uu ka qeybgalo shir ay Magaalada Sirta ku yeelanayaan Madaxda Dalalka ku bahooday Ururka SIIN iyo SAAD (Saaxil Wa-Saxara), kaasi oo ay Soomaaliyana xubin ka tahay, waxaana horay u sii joogay dalka Liibiya wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo u sii gogol xaarayay wafdiga Madaxweynaha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






