Isniin, July 09, 2007(HOL): Beesha Sade oo ka tirsan Beelaha Soomaaliyeed ee loo qabanayo shirweynaha Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa Afhayeen u hadlay maanta waxaa uu magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in aysan ka qeybgeleynin shirka dib u heshiisiinta ah ee 15-ka bishan ka furmaya magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Golaha Guurtida Dhaqanka Beesha Sade C/naasir Xasan Xirsi Shaarib ayaa sheegay in aysan beeshiisa diyaar u ahayn ka qeybgalka shirkaas, wuxuuna taasi sabab uga dhigay in ay beeshiisa aysan soo diyaarsan ergooyinkii shrika uga qeybgeli lahaa iyo iyadoo aan xal loo helin xiisad colaadeed oo ka taagan Magaalada Kismaayo.
Afhayeenka waxaa uu sheegay in aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo colaad u dhaxeysa laga heshiisiinayo, wuxuuna caddeeyay in aysan shirkaasi ka soo baxeynin wax natiijo u ah Soomaaliya, bacdamaa sida uu yiri aysan dadka ka qeybgelaya xor u ahayn fikirkooda “anigu waxaanba qabaa in uusan shirkaas qabsoomeynin” ayuuna yiri C/naasir Shaarib, Afhayeenka Golaha Guurtida Dhaqanka Beesha Sade.
Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawaan ku dagaalamay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo heyb ahaan isugu dhacay, iyadoo xiisaddii ka dhex oogantay labadaas Ciidan-na ay tahay mid aan weli xal loo helin.
Dhanka kalena, qaar ka mid Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa iyaguna waxay qabaan fikir ah in aysan shirka dib u heshiisiinta ka qeybgeli doonin, tan iyo inta shirkaas laga dhigayo mid looga heshiiyo khilaafaadyada Siyaasadeed.
Si kastaba arintu ha haatee, Beesha Sade ayaa noqotay beeshii ugu horeysay oo sheegtay in aysan diyaar u ahayn ka qeybgalka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, xili uu guddiga qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu sheegay in ay bilaabatay soo daadgureynta Ergooyinka shirkaas ka qeybgelaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






