12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

AXMED DIIRYE CALI: “Xaaji Cabid Iimaan waxaa uu ka tanaasulay halgankii halista ahaa ee uu soo galay ee uu xitaa xabsiga ku muteystay”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 09, 2007(HOL): Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kaga hadlay shirkiisa jaraa’id tanaasul uu sameeyay Xaaji Cabdi Imaan Cumar oo Golahooda Guddoomiye ka ah.

 

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Xaaji Cabdi iimaan uu ka tanaasulay halgankii uu soo galay oo uu ku tilmaamay mid halis ah, “Xaaji Cabid Iimaan waxaa uu ka tanaasulay halgankii halista ahaa ee uu soo galay ee uu xitaa  xabsiga ku muteystay”ayuu yiri Axmed Diiriye.

 

Axmed Diiriye waxaa uu intaas ku daray in ay sii wadi doonaan halganka ay ugu jiraan sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa Nabaddii iyo kala dambeyn Soomaaliya ka jiri jirtay, isagoo carrabka ku dhuftay in aysan wax tanaasul ka sameyn doonin halgankoodaas.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa kale oo uu sheegay in markii ay shirka Beelaha Hawiye qaadacayeen ay sheegeen in aysan jirin Beelo Hawiye iyo Beelo Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan isku khilaafsan, hayeeshee ay jiraan khilaafaadyo siyaasadeed oo loo baahan yahay in looga heshiiyo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

“Haddii Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed uu noqdo mid khilaafaadyada siyaasadeed looga heshiiyo waa dhamaaneysaa dhibaatada Soomaaliya ka taagan iyo xabadda maalin kasta ka dhaceysa magaalada Muqdisho”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

 

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu ugu baaqay Xaaji Cabdi Iimaan Cumar in uu dib ugu soo laabto golahooda, isagoo caddeeyay in haddii uu soo noqdo ay soo dhaweyn doonaan, iyadoo dhanka kalena warsaxaafadeed ka soo baxay golahaas lagu sheegay in Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenada Golaha uu  si KMG ah u sii heynayo xilkii uu Xaaji Cabdi Iimaan u hayay Odayaasha Beelaha Hawiye.

 

Ugu dambeyntiina, khilaafka soo kala dhexgalay Guddoomiyaha Golaha Dhaqan iyo Midnimada Beelaha Hawiye iyo Xubnaha Golahaas ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 15-ka bishan uu magaalada Muqdisho ka furmayo shirweyne dib u heshiisiineed oo loo qabanayo Beelaha Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in lagu soo af-jarayo colaado horay u dhexmaray Beelaha Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).