12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Suuqa Bakaaraha oo uusan maanta wax ganacsi ah ka socon sabab la xiriirta Ciidamo tiro badan oo lagu soo daadiyay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 09, 2007(HOL): Waxaa gebi ahaanba xiran Goobaha Ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo gebi ahaanba aaney jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, iyadoo Suuqana ay ku jiraan Ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

 

Waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dadka gelaya iyo kuwa ka baxaya Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Ragga ku amraya in ay Shaararkooda kor u qaadaan, isla markaana ay baaraan alaabaha ay wataan.

 

Ganacsatada goobaha ganacsi ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu waxay albaabada u laabeen goobahooda ganacsiga, iyadoo ay ganacsatada qaarkood ay guryahooda isaga laabteen, halka kuwo kalena ay horfadhiyaan iridka goobahooda ganacsiga, si haddii loo baahdo in la baaro ay u furaan.

 

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iyagu waxay maalmahan ka cabanayeen falal aan wanaagsaneyn oo kula dhaqmeen Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay mararka qaarkood kala kulmaan dhac iyo handadaad, sidaas darteedna waxay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay Ciidamadaas ka xakameyso.

 

Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku yaala oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxaa ku xiran nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo manaafacaadsada raashin quutul-daruuri ah oo Suuqaas looga iibyo.

 

Dhanka kalena, qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday shan ruux, todobo ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxaasi oo ahaa Bambo gacanta laga tuurayna uu ka dhacay qeybaha  Dahabka iyo Sarifka Lacagaha Qalaad ee Suuqaas.

 

Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay dadkii halkaas ku sugnaa oo iyagu markii ay Ciidamada arkeen bilaabay in ay kala cararaan,  si aysan waxyeelo uga soo gaarin rasaasta ay ridayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).