12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Taliyihii Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolka Hiiraan oo xalay ku geeriyooday Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, July 09, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa habeennimadii xalay ahayd si lama filaan ah ugu geeriyooday Isbitaalka Magaalada B/weyne  Col. Max’ed Axmed Xubeero oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xooga dalka ee Gobalka Hiiraan oo dhawaan Dowladdu Magacaawday.

 

Marxuum  Col. Xubeero oo ka mid ahaa saraakiishii Ciidamada Xooga dalka ee Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa uu la xanuun sanaa Cudurka  (Neefta)  inkastoo hadana marna uusan ka baaqan howlahii caadiga ah,  Dr. Bashiir Sabriye Xalane oo ahaa dhaqtarkii daaweynayay Col. Xubeero inta uusan geeriyoon waxaa uu sheegay in dadaal badan ay sameeyeen lakiin hadana aysan ku guuleysan in ay wax badan ay ka qabtaan xaaladiisa caafimaad, ilaa markii danbe uu geeriyoodo.

 

Mudadii gaabneyn ee uu ahaa hogaanka Ciidamada Gobalka Hiiraan ayuu ku guuleystay Ex. Col. Xubeero in uu xaro malatari oo ku taala duleedka deegaanka Ceel-gaal isugu geeyo ilaa 800 oo Askari oo ka tirsanaa Ciidamadii hore ee Xooga dalka, waxaana sidoo kale uu ku howlanaa sidii loo baneyn lahaa xeryaha ciidamada ee dadka rayidka ah degan yihiin,  gaar ahaan Xerada lagu magacaabo Lamag-galaay oo  ka hor inta uusan geeriyoon uu taba bar uga furay Qaar ka mid ah Ciidamada xooga dalka..

 

Dhinaca kale  marxuumka  waxaa uu markii ugu horeysay intii uu hayay xilka Ciidamada ku guuleystay in uu baabi’iyo inta badan jidgooyooyin sharci darro ah oo ay  burcadu dhigtaan  wadada isku xirta Gobolka Hiiraan iyo Gobollada kale ee Dalka Soomaaliya, taasoo dadku si weyn u soo dhaweeyeen.

 

Galabta gelinka dambe ayaa la filayaa in Alle Ha’unaxariistee marxuum Maxamed Axmed Xubeyro meydkiisa lagu aaso Magaalada B/weyne, iyadoo la filayo in aaskiisa ay ka soo qeyb-galaan dhamaan qeybaha Ciidamada iyo waliba Mas’uuliyiinta sar sare ee Maamulka Gobolka oo si weyn uga naxay geerida ku timid  marxuumka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan online

diini@hiiraa.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).