Axad, July 08, 2007(HOL): Shan ruux oo isugu jiray Ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo howlo baaris ah ka waday Suuqa Bakaaraha iyo Dad rayid ah ayaa dhaawacamay kadib markii uu qarax ku qabsaday nawaaxiga Xarunta Shirkaddii Xawaaladda Global ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa lala beegsaday Ciidamo baaris ka waday Wadad Aadan Cadde, kuwaasi oo qaraxa loo geystay iyagoo u muuqday kuwo ammaankooda si weyn u sugayay, isla markaana ragga ku amrayay inay shaararka kor u qaadaan, mana jirin cid loo qabtay qaraxii loo geystay.
Shalay ayay ahayd markii meel aan u dheereyn halka uu qaraxii maanta ka dhacay uu qarax weyn ka dhacay, kaasi oo ay ku dhaawacmeen dad badan oo wadada iska marayay.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa beryahan sii xumaanaya, waxaana ka dhacaya Qaraxyo maalin iyo habeen ah iyo dilal loo geysanayo dad aan waxba galabsan, kuwaasi oo loo dilayo sabab la xiriirta dhinaca ay taageersan yihiin dhinacyada isku haya siyaasadda Dalka Soomaaliya.
Dhanka kalena, Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii afaraad waxay howlgallo baaris ah ka wadaan Waddooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan Waddooyinka 30-ka iyo Wadnaha oo koofur iyo Waqooyi ka mara Suuqaas.
Howlgallada ay sameynayaan Ciidamadan ayaa waxaa qaati ka jooga ganacsatada ka xoogsada Suuqa Bakaaraha iyo Dadka macaamiisha la ah, kuwaasi oo aan heysan xoriyaddoodii ganacsiga, waxayna ganacsatada qaarkood ku goodiyeen in ay joojin doonaan howlaha ganacsiga ah ee ay hayaan.
Ganacsatadan ayaa waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka xakameyso Ciidamada ay Suuqa Bakaaraha ku soo deysay, kuwaasi oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo aanu wanaagsaneyn anshax dhaqameedkooda, iyagoo weliba sheegay in ay mararka qaarkood dhac u geystaan.
Isku soo wada duub, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwo aaney u kala soocneyn dadka xurmada leh iyo kuwa fal dembiyeedyada gala, waxaana la arkaa iyagoo wadada dhexdeeda ku dhangadeynaya Dadka biri-ma-geydad ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






