12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu mar hore dhamaaday Xukunkii deg degta ahaa ee saarnaa Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Shiikh Aadan Madoobe oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu dhamaaday xukunkii deg degta ahaa ee ay Dowladda Federaalka horay ugu soo rogtay Soomaaliya.

 

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in haatan wixii ka dambeeya uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya howshiisa qabsanayo, isla markaana ay dib u bilaaban doonaan fadhiyadii uu lahaa Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in uusan in muddo ah Baarlamaanka soomaaliya kulamo ka yeelan arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay haatan bilaabi doonaan kulamadooda, iyadoo sida uu yiri ay Xildhibaanada qabsan doonaan waajibaadka saaran, “Mudadii xukunka deg degta ahaa wuxuu ahaa seddex bilood, waana dhamaaday”ayuuna yiri Shiikh Aadan Madoobe.

 

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqorre ayaa isugu yeeray Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliyeed ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ku kala maqan, isagoo ugu baaqay in ay si deg deg ah  ku tagaan Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna farta ku fiiqay in  Xildhibaanada Baarlamaanka ay u bilaaban doonaan howlahoodii shaqo.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amarka xaaladda deg dega ah ku dhawaaqay markii uu horaantii sanadkan fariisinka ka sameystay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, xiligaasi oo ku aadaneyd markii ay Ciiddamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay taladii kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka oo ka talin jiray Deegaano badan oo ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Sababta uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf u soo rogay xaaladda deg degta ah  ayaa waxay ahayd in ay Dowladda Federaalka wax ka qabato xaalado ammaan darro oo Dalka Soomaaliya ka jiray, hayeeshee wuxuu waqtigaas dhamaaday iyadoo aaney Dowladda Federaalka waxba ka qaban amni darradii jirtay oo haatan u muuqata mid sii laba lixaadsatay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya oo haatan ay degan yihiin Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta amni darro baaxad leh oo taagan in la bartilmaameedsado Ciidamada Dowladda Federaalka ee la doonayo in ay ammaanka sugaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).