Axad, July 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Dhaqanka iyo Midnimada Beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu kaga dhawaaqay in uu ka qeybgelayo Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Xaaji Cabdi Iimaan Cumar waxaa uu sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii ay wada xiriireen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed, wuxuuna caddeeyay in uu si buuxda uga qeybgelayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isla markaana uu daneynayo in shirkaas ay ka soo baxaan wax xal u noqda mushkiladda Dalka Soomaaliya.
Xaaji Cabdi waxaa uu sheegay in uusan shuruud ku xireynin wax kasta oo xal loogu raadinayo mushkiladda Dalka Soomaaliya, wuxuuna waxba
“Aniga iyo intii wax garata fikradda aan qabno waxay tahay in la qabto shir Hawiye iyo Shir Dib u heshiisiin Soomaaliyeed, mana iga suurtowdo in aan iraahdo lama qabanayo Shir xal loogu raadinayo Soomaaliya”ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan.
Xaaji Cabdi Iimaan waxaa uu sheegay in uu muwaadin kasta oo Soomaaliyeed kula talinayo in uu gacan ka geysto sidii loo soo celin lahaa Qarannimadii Soomaaliya, isagoo Beesha Caalamkana ugu baaqay in ay gacan ka geysato sidii xal kama dambeys ah iyo nabad waarta loogu heli lahaa Soomaaliya.
Odayaasha uu Guddoomiyaha u yahay Xaaji Cabdi Iimaan ee Beelaha Hawiye ayaa waxay sheegeen in aysan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ka qeybgeleynin, iyagoo taasina sabab uga dhigay in shirka aanan looga hadleynin xalinta mushkiladaha ka dhashay Khilaafaadyada Siyaasadeed.
Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed haddii aanan looga hadlin khilaafaadyada Siyaasadeed, isagoo carrabka ku dhuftay in aysan jirin beelo Soomaaliyeed oo khilaafaadyo u dhaxeeya laga heshiisiinayo.
Shirka Dib u heshiinta Soomaaliyeed ee 15ka bishan ka furmayo magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgelaya ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed, waxaana looga heshiinayaa Colaado horay u dhexmaray Beelaha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina Hadalkan uu maanta sii daayay Guddoomiyaha Odayaasha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa wuxuu hareermarsan yahay hadal ay horay u sheegeen Odayaal ka tirsan Golaha uu Xaaji Cabdi Iimaan Guddoomiyaha ka yahay, kaasi oo ahaa in aaney ka qeybgeli doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, lamana oga jawaabta ay odayaashaas bixin doonaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






