Axad, July 08, 2007(HOL): Magaalada Minneapolis ee gobolka 
Shirweynahan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo abaabulay , waxaa kasoo qeybgalay Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Culumaa’udiin, Dhalinyaro, Odayaal Dhaqameedyo iyo Haweenka,waxaana shirkaas looga hadlay dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen Midnimada iyo jiritaanka Beesha Xawaadle iyo sidii beesha ku dhisan lahayd guddi yo iyo hoggaan u metela gobolka Minnesota , waxaana lagu dhisay isla shirkaas labo gudi oo metela Beesha Xawaadle ee gobolka Minnesota , waxeyna kala yihiin guddiyadaas:
(1) Gudiga Dhaqanka Beesha Xawaadle ee gobolka
(2) Guddiga Siyaasada Beesha Xawaadle ee gobolka 
Sidoo kalena shirka waxaa looga hadlay dagaallaadii dhawaan ka dhacay Degaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ka qeybgalayaashii Shirkana ay dood dheer kadib u soo jeediyeen mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka, Ugaasyada, Aqoonyahannada, Culumaa’udiinka, Haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka Hiiraan in ay u istaagaan sidii ay u soo af-jari lahaayeen colaadda dhexmartay dadka walaalaha ah ee deegaankaas ku dhaqan, iyagoo xalinta khilaafkaasna u maraya Diinta Islaamka, si aysan Colaaddaas dib dambe ugu soo noqon dadka Walaalaha ah.
Waxaa kale oo shirkaas ka soo baxday cambaareyn loo jeediyay Dadkii ka dambeeyay xarig dhawaan loo geystay Nabaddoon Xasan Nuur Qanyare (Xasan Ciid) oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kaasi oo loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Deegaanka Feer-Feer, waxayna Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee Gobolka 
Ugu dambeyntiina waxaa shirka loogu mahadnaqay Odayaashii, Dhalinyaradii iyo Gabdhihii soo qaban qaabiyay Shirkan, iyadoo sidoo kalena loogu duceeyay xubnaha Guddiyadii Shirka lagu doortay, kuwaasi oo Allaah looga baryay in uu xilkooda ugu guuleeyo sidii la isugu waafaqay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






