12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, July 08, 2007(HOL): Afhayeenka qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax natiijo ah ka soo bixi doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, haddii aanan looga heshiinin khilaafaadyada Siyaasadeed ee u dhaxeeya Beelaha Soomaaliyeed.

 

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in ay iyagu yihiin Odayaal dhaqan, isla markaana ogaalkooda aysan jirin Beelo Soomaaliyeed oo dhaqan ahaan isu khilaafsan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ku baaqayaan in Shirka uu noqdo mid Khilaafyada Siyaasadeed looga heshiiyo.

 

Afhayeenka qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa uu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta ay salka ku heysto khilaafyo siyaasadeed, wuxuuna tusaale u soo qaatay dagaalladii dhexmaray horraantii Sagaashamaadkii taageerayaashii Cali Mahdi Iyo Jen. Caydiid, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka dhasheen hoggaankii siyaasadda Dalka oo ay isku qabsadeen.

 

Odayaal uu ka mid ah Axmed Diiriye oo la baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa dhawaan waxay qaadaceen Shirweyne lagu heshiisiin lahaa Beesha Hawiye, iyagoo sheegay in shirkaas uu ahaa mid waxyaabaha looga hadlayo aaney meesha oolin sida Beelo Hawiye oo Colaad dhexmartay laga heshiisiinayo.

 

Qaadacaaddii ay Odayaashaas sameeyeen kadib ayaa waxaa lagu kala tegay Shirweynihii loo qaban lahaa Beelaha Hawiye, kaasi oo ay gogoshiisa dhigeen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo sida ay sheegeen qabanqaabiyayaasha kulankanna uu ujeedku ahaa in inta aan la gaarin Shirka Dib u heshiisiinta Qaran la sii dhameeyo khilaafyo u dhaxeeya Beelaha Hawiye.

 

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay u kala jiraan kuwo taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo ka soo horjeeda, wuxuuna khilaafkooda u muuqdaa mid sii ragaadinaya xal u helidda mushkiladda ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo la sheego in ay ku xooggan tahay Beesha Hawiye.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qabashada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka harsan muddo hal todobaad ah, iyadoo Afhayeenka Guddiga u xilsaaran Shirka Dib u heshiisiinta C/raxmaan Shifti uu sheegay in la bilaabay soo daadgureynta Ergooyinka Shirka oo ay diyaar u yihiin halkii ay degi lahaayeen iyo meeshii ay ku shiri lahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).