12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Shiikh Shariif Shiikh Axmed: Kama qeybgeleyno Shirka Dib u heshiisiinta sababtoo ah ma ahan mid dano Soomaaliyeed looga hadlayo”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, July 08, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadihii Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aysan ka qeybgeleynin Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan ka furmi doona Magaalada Muqdisho.

 

Shiikh Shariif oo isagoo jooga Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa uu sheegay in sababta ay u diidayaan ka qeybgalka shirkaas ay tahay iyadoo dalka Soomaaliya ay heystaan Ciidamo Itoobiyaan, sidoo kalena aan shirka looga hadleynin Danaha Shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

“Annagu wada hadal ma diideyno, balse waxaa marka hore loo baahan yahay in dalka laga saaro Ciidamada Itoobiyaanka ah”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay dadka dhibaato ku hayaan, isla markaana ay haatan bilaabeen in ay dadka ku weeraraan goobaha ay ku cibaadeysanayaan.

 

Sida kaliya ee shir Dib u heshiisiineed uga qeybgeli karaan ayuu Shiikh Shariif ku sheegay in ay tahay iyadoo shirka meel dhexdhexaad ah oo ay dadku xor yihiin lagu qabto iyo in marka hore Dalka laga saaro Ciidamada Itoobiya.

 

Mar wax laga weydiiyay in ay Maxkamadihii Islaamka lug ku leeyihiin weerarrada ka dhan ah Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu sheegay Shiikh Shariif Shiikh Axmed in Maxkamadihii Islaamka ay ka mid yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo iyagu horay u siisay kalsoonidooda.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Guddiga u xilsaaran Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed uu sheegay in uu xiriir la sameeyay Porf. Ibraahim Xasan Caddow oo Maxkamadihii Islaamka u qaabilsanaa dhinaca Arrimaha Dibadda, kaasi oo ay isla soo qaadeen sida uu kula xiriiri karo Madaxda Maxkamadihii Islaamka oo uu doonayo in ay ka qeybgalaan Shirka Dib u heshiisiinta, iyadoo Prof. Caddow-na uu sheegay in uu Cali Mahdi kula taliyay in uu Eritrea ugu tago Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Maxkamadihii Islaamka madax ka ah iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalkan Shiikh Shariif ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo qabashada Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ka harsan tahay muddo todobaad ah, isla markaana la diyaariyay halkii shirka lagu qaban lahaa iyo weliba meelihii ay degi lahaayeen Ergooyinka Shirka ka qeybgelaya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).