12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Is-afgarad laga gaaray Colaaddii ka taagneyd Deegaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 07, 2007(HOL): Tuulada Coomaad oo 145 km. u jirta Magaalada B/weyne waxaa dhawaan ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ka bilaawday muran ka dhashay qaabka loo maamulayo Ceel-biyood laga hirgalinayo Tuuladaas.

 

Laakiin hadda xaalku waa mid degan kadib markii halkaa ay gaareen Odayaal iyo wax-garad ka kala socda beelaha dega Gobalka Hiiraan, kuwaasoo ku guuleystay in ay heshiis buuxa dhex dhigaan dhinacyadii dagaalku dhaxmaray.

 

Dadka ku dhaqan Tuulada oo ah kuwo noloshoodu ku xaran tahay dhaqashada Xoolaha ayaa in mudo ah ku taamayay in ay helaan Biyo ku filan kadib markii ay ku bur bureen labo Ceel oo ay Tuuladu lahayd dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Gobalka, waxaana ay hadda si weyn u soo dhaweynayaan dadka tuulada Qodista Ceelka la doonayo in halkaas laga hirgaliyo.

 

Eng. Max’ed Cali Jees oo ah Injineerka u xilsaaran Qodista Ceelka ee Tuulada Coomaad ayaa HOL u sheegay in dagaalkii dhawaan halkaas ka dhacay uusan wax hakad ah galin habsimi u socodka howshooda, isaga oo intaas ku daray in ilaa hadda lagu guuleystay in la qodo wax ka badan  80m, isla markaana la wadi doono ilaa 180m. si loo helo biyo macaan.

 

Eng. Jees waxaa uu intaas ku daray in marka la eego dhulka iyo sida uu u kala sareeyo hadba ay ku xiran tahay sida loo helo biyo macaan, waxaana uu tilaamay in Deegaanka Coomaad marka la eego Joqoraafi ahaan lagu tiriyo in uu ka mid yahay dhulka joogoodu sareeeyo taasoo sahli karta in markiiba biyaha la helo.

 

Si kastaba arintu ha ahaatee, dadka ku dhaqan Tuulada Coomaad oo ahaa kuwo sanado badan aan helin biyo ku filan ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray Colaada dhexmartay oo haddii aan la soo afjarin sababi laheyd in halkaas uu ku bur buro hamigii ahaa in dadka Tuuladu helaan biyoo nadiif ah.
 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).