12.8 C
London
Monday, November 10, 2025

Xaflad lagu maamuusayay Maalinta La-dagaalkanka Saboolnimada oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, July 07, 2007(HOL):Munaasabaddan oo uu soo qaban qaabiyay Ururka daryeelka Caruurta ee  HAPO-CHILD ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dad isugu jiray qeybaha Bulshada iyo waliba Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka hada jira iyo kuwii hore ee Gobalka oo dhamaan halkaa ka soo jeediyay Micnaha balraan ee laga leeyahaya Munaasabadan oo kale.

 

Ugu horeyn hadal uu Halkaa ka jeediyay Gudoomiyaha Ururka  HAPO-CHILD  C/risaaq Yuusuf Baareey waxaa uu si faah faahsan uga hadlay Sababta Maata oo kale loo xuso Munaasbadan, waxaana uu sheegay in u jeetada laga leeyahay oo kaliya la oran karo waa sidii Bulshada gaar ahaan kuwa ku dhaqan Africa loogu baraarujin lahaa dhibaatada Saboolnimadu leedahay iyo waliba in ay muhiim tahay in xooga la wada saaro sidii looga Gudbi lahaa.

 

Sidoo kale waxaa uu Baarey intaa sii Raaciyay in marka la eego guud ahaan dunida oo idil la oran karo halka saboolnimadu ku sii danbeyso in ay tahay Qaarada Africa oo ah mid ay dilootay Jahli iyo Faqri ka dhashay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka jira qaarada.

 

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Eng. Xuseen Muxumed Maalin oo ka mid ahaa ka soo qeyb-galayaasha Munaasabada ayaa sheegay in Saboolnimadu aheyn oo kaliya in la waayo Nolasha,  Laakiin Caafimaad daro iyo Aqoon-la’aantuba ka mid tahay saboonimada dadka la soo darista, waxaana uu intaa ku daray in Wadamada laysku yiraah G. 8. ku yihiin kuwa kaliya ee hortaagan hormar Qaaradu sameyso, “”inta badan Shirirka Wadamadaasi yeeshaan dusha sare marka laga eego waa kuwo loo maleeyo in ay ka shaqeynayaan hormar iyo wax la mid ah lakiin xaqiiqdu waxaa ay tahay in shirarkaasi yihiin oo kaliya sidii loo cuna qabteyn lahaa wadamada soo koraya dhaqaalahooda ayuu yiri Gudoomiyaha oo siweyn u soo jiitay ka qeyb-galyaasha.

 

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Xubnihii ka hadlay Munaasabada Gudoomiye Ku-xigeenkii Maamulkii hore ee uu madaxda u ahaa Alla ha unaxariistee Xasan C/dule Qalaad, C/laahi Cabdi Cali Koofi oo waxaana uu sheegay in dagaaladu yihiin kuwa inta badan sababa saboolnimada waxaana uu kula dar daarmay ka qeyb-galyaasha in lacagta laga baxsho Rasaasta iyo Qoryaha loo weeciyo dhinaca wax soo saarka si looga baxo Gaajada.

 

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Munaasabada Sugaan ka turjumeysa Dhibaatada Saboolnimadu leedahay waxaana Xusid Tix ku saabsan halka Saboolnimadu ka soo jeedo oo u halkaa ka soo jeediyay Abwaan Ustaad Cali Baareey oo Miraheedu ka mid ahaayeen (Faqriga Aduunyada  ku Fogaaday Jeer hore, Africaanka Faro kulul Fadhiisiga ku yeeshee, halka uu ka Faafee Fiidsiga ku leeyahay, Farta aan ku Fiiqee, Waa Fadeexada Dagaalad, Fajiistaha ka talayaa, Shacabkaa Farkaliya ah lagu kala Faquuqaa.) waxaana ugu danbeytii halkaa lagu soo bandhigay muuqaalka dadka soo Barakacay ee saboolka ah kuwaasoo HAPO-CHILD  sheegatay in ay xooga saari doonto sidii loo caawin lahaa.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).