Khamiis, July 05, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa markii labaad ka badbaaday isku-day Qarax oo lagu dili lahaa.
Qaraxa la doonayay in lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sanca iyo Nasiibuundo ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uusan wax khasaare ah ka soo gaarin wafdigii la socday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali ayaa Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in qaraxaas dad loo qabqabtay, kuwaasi oo baaris lagu hayo.
Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa kale oo uu intaas ku daray in Qaraxaasi uu ahaa mid la doonayay in lagu dilo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hayeeshee nasiib wanaag uu ka badbaaday.
Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay uu sheegay in mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu jira Beeshiisa si gaar ah loola bartilmaameedsado Qaraxyada Muqdisho ka dhaca, isagoo xusay in Gobolka Banaadir ay ka dhaceen 21 Qarax oo 4 ka mid ah lala beegsaday Mas’uuliyiinta Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Waa markii labaad oo uu Maxamed Dheere ka badbaado isku-day Qarax lagu dili lahaa, iyadoo mar sii horeysayna uu ka badbaaday Miino loo dhigay nawaaxiga Dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali oo aan u dheereyn halka saakay Miinada loo dhigay.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay gacan ku heynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay sii noqoneysaa mid uu sii xumaanayo ammaankeeda, iyadoo uu xaalkeeduna haatan taagan yahay in la bartilmaameedsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, iyadoo ay sii dheer yihiin weerarro lagu qaado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






