Khamiis, July 05, 2007(HOL): Mr. Georges-Marc Andre oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tegay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo ah mid ammaankeeda aanan la isku haleyn karin.
Ergaygan ayaa markii uu ka degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu qaaday Gaadiid gaashaaman oo ay leeyihin ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan, iyadoo kadibna loo qaaday dhinaca Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ergayga ka socday Midowga Yurub Mr. Georges-Marc Andre ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaana dhinacyada Nabadgelyada iyo Dib u heshiisiinta iyo sidii uu Midowga Afrika uga dhabeyn lahaa ballanqaadyo dhaqaale oo uu horay ugu fidiyay Soomaaliya.
Mr. Georges-Marc Andre ayaa hadal saxaafadeed uu dhawaan bixiyay waxaa uu ku sheegay in mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabooyin wanaagsan u qaadeen dhinacyada Siyaasadda iyo Dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya, iyadoo hadalkiisaasna uu ku soo beegmay wax yar kadib markii uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu cafis u fidiyay Dadkii ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka iyo Kooxihii ka soo horjeeday ee xabsiyada ugu jiray Dowladdiisa.
Ergaygan ayaa sidoo kale waxaa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed iyagoo isla soo qaaday sidii loo dardargelin lahaa qabashada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo mudadii loo qabtay ay ka harsan tahay 10 maalmood, iyadoo ay xusid mudan tahay in qabashada shirka ay labo jeer dib u soo dhacday.
Georges-Marc Andre ayaa dhawaan loo magaacabay in uu Midowga Yurub wakiil uga noqdo Arrimaha Soomaaliya, iyadoo magacaabistiisana ay ku soo beegmeyso xili Siyaasadda iyo Nabadgelyada Dalka Soomaaliya ay yihiin kuwo aan saldhigan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Socdaalka uu ergaygan ka socday Midowga Yurub uu ku tegay dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta magaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax la doonayay in lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






