12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Maxamed Dheere oo sheegay in Qaraxyada Muqdisho ka dhaca lala beegsado Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu jira Beeshiisa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, July 05, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ka hadlay qaraxyada Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in qaraxyadaas qaarkood si gaar ah loogu bartilmaameedsaday Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu jira Beeshiisa.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in isaga, Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur, iyo Nuur Diqle oo hal beel ka soo wada jeeda, isla markaana ka wada tirsan  Maamulka Gobolka Banaadir Qaraxyo lala beegsaday, sidoo kalena horay seddex Qarax loogu geystay Ra’iisal Wasaare Geedi oo ay isna isku heyb yihiin.

 

Qaraxyadaas ayuu sheegay Maxamed Dheere in Qaab Qabiil loola beegsanayo, sidaas darteedna ay diyaar u yihiin in ay la xaajoodaan dadka qaabka Qabiil u bartilmaameedsanaya.

 

Inkastoo uu Maxamed Dheere sheegayo in Qaraxyadaas si gaar ah loola bartilmaameedsaday Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ugu jira Beeshiisa, hadana waxaa jira mas’uuliyiin kale oo Muqdisho Qaraxyo loogu geystay, waxaana ka mid ah Ku xigeenkii Duqa Magaalada Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey oo qaraxii loo geystay aawgii u geeriyooday, Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Axmed Afrax iyo Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Avv. Xasan Dhimbil Warsame oo xalay gurigiisa waxyaabo qarxa lagu weeraray.

 

Mar uu ka hadlayay Shirweynaha labada jeer baaqday ee ay beelaha Hawiye ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay Maxamed Dheere in uu shirkaas ula muuqdo mid loo baahan yahay, bacdamaa ay jiraan dad wax kala tabanaya oo beelaha Hawiye ka wada tirsan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waxaa ku celceliyay in loo baahan yahay in ay heshiiyaan Beelaha Hawiye, si loo xasiliyo ammaanka Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho. “Hawiye haddii uusan heshiis ahayn  ma heli karo xuquuqdiisa, Hawiyena heshiis ma ahan, marka in la heshiisiiyo aad iyo aad ayaan u raacsanahay”ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo amaanka Magaalada Muqdisho uu aad u sii xumaanayo, isla markaana ay maalin iyo habeen kasta ka dhacaan qaraxyo lala beegsanayo xarumaha mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Fariisamada Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).