Khamiis, July 05, 2007(HOL): Waxaa baaqday Shir maanta magaalada Muqdisho uga furmo lahaa Beelaha Hawiye, kaasi oo ay ku xalin lahaayeen Khilaafaadka u dhaxeeya.
Shirkan oo ay gogoshiisa dhigeen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa baaqashadiisa waxaa ay timid kadib markii qaar ka mid ah Odayaasha beelaha Hawiye ay maalintii shalay ahayd soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegayeen in ay shirkaas qaadaceen.
Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sheegay in sababta ay shirka u qaadaceen ay tahay:
In ay ogaadeen in aysan jirin beelo Hawiye oo colaad u dhaxeysa ka heshiinaya.
In shirka Hawiye uusan munaasab ahayn iyadoo aan laga soo jawaabin qoraal ay Odayaasha Hawiye u gudbiyeen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed.
In lagu xadgudbay heshiisyo dhexmaray Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta iyo Odayaasha Beelaha Hawiye sida mudada uu shirku soconayo iyo ujeedada shirka laga leeyahay.
In ajendaha shirka is-bedel lagu sameeyay, isla markaana aan la xaqiijin ajendaha shirka uu leeyahay.
In la diiday in Shirka Hawiye looga hadlo dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Hawiye.
In Shirka Hawiye loo macneeyay in uu gogol xaar u yahay shirka Dib u heshiisiinta Qaranka, isla markaana ay arrintaas tahay mid been abuur ah.
Avv. Cumar Cabdulle Dhegey oo ka mid ah Qabanqaabiyayaasha Shirkan ayaa sheegay in ay haatan socdaan wada hadallo lagu xalilayo waxyaabaha ay tabanayaan Odayaasha Shirka qaadacay, wuxuuna rajo ka muujiyay in uu shirkaas qabsoomi doono.
Maalintii Isniinta ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu dib u dhac ku yimid shir ay beelaha Hawiye maalinta berri ah ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo sababta dib u dhigistaasna ay lahaayeen isla Odayaashan maanta soo saaray hadalka ay ku qaadacayeen Shirweynaha Hawiye.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Beelaha Hawiye oo la sheego in ay xudun u yihiin mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya ayaa si weyn u kala qeybsanaa muddo dheer, iyadoo ay u kala jirto qeyb taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kale oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






