Khamiis, July 05, 2007(HOL): Waxaa shalay ka dhacday xarunta gobalka Bakool munaasabad lagu dooranayay guddoomyaha Gobolka Bakool iyo Kuxigeenadiisa.
Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo wadtashiga CRD oo ay ka soo qeybgaleen masuu’liyiin ka socday Dowladda Federaalka, Kuwaasi oo kala ahaa Wasiir kuxigeenka Warshadaha iyo Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Isaaq Afaraale iyo Xildhibaan Guurow ayaa waxaa lagu doortay in uu noqdo Guddoomyaha Gobolka Bakool ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Maxamed (Tool), Halka guddoomiye kuxigeenka koowadna loo doortay Shiikh C/llaahi, halka Guddoomiye ku xigeenka 2aadna loo doortay Shiikh Xasan Lug-buur.
Doorashadan maanta la soo gebagebeeyey ayaa waxay keentay in maamul dadku ay doorteen uu ka hirgalo labada gobol ee Bay iyo Bakool, iyadoo mas’uuliyiinta Gobolladaas ay yihiin kuwo ay dadku soo doorteen.
Munasabaddan maanta dhacday ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay wakiillo ka socday Hay’adda UNDP, waxaa kale oo isna goob joog ka ahaa Agaasimaha hay’adda CRD ee gobollda Bay iyo Bakool ninka lagu magacaabo Yuusuf Baadiyow
Horay ayay hay’addani CRD gacan uga geysatay maamul u samayntii gobolka Bay, waxaana la filayaa in ay dhawaan gacan ka geysan doonto maamullada loo sameynayo Gobollada kale ee Dalka.
Abshir Maxamed Nuur (Mandeela)






