
Arbaco, July 04, 2007(HOL): Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa qaadacay Shirweyne Beelaha Hawiye maalinta berri ah uga furmi lahaa Magaalada Muqdisho.
Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye oo ay ku mideysan yihiin Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray wuxuu ku sheegay in ay shirkaas qaadaceen.
Odayaasha Beelaha ayaa sheegay in sababta ay shirka u qaadaceen ay tahay:
In ay ogaadeen in aysan jirin beelo Hawiye oo colaad u dhaxeysa ka heshiinaya.
In shirka Hawiye uusan munaasab ahayn iyadoo aan laga soo jawaabin qoraal ay Odayaasha Hawiye u gudbiyeen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Guddiga Shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Maxamed.
In lagu xadgudbay heshiisyo dhexmaray Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta iyo Odayaasha Beelaha Hawiye sida mudada uu shirku soconayo iyo ujeedada shirka laga leeyahay.
In ajendaha shirka is-bedel lagu sameeyay, isla markaana aan la xaqiijin ajendaha shirka uu leeyahay.
In la diiday in Shirka Hawiye looga hadlo dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan gudaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Deegaanada Hawiye.
In Shirka Hawiye loo macneeyay in uu gogol xaar u yahay shirka Dib u heshiisiinta Qaranka, isla markaana ay arrintaas tahay mid been abuur ah.
Guddomiye ku xigeenka Golaha Midnimada iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay shirkaas qaadaceen kadib markii ay arkeen in uu shirkaas yahay mid aan dan u ahayn Soomaalida guud ahaan, gaar ahaana Beelaha Hawiye.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay qoraalkooda u gudbiyeen Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo uu xusay in ay gogosha fidiyeen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu shirkaas ahaa mid aan waafaqsaneyn sida uu hadalka u dhigay wax Hawiye u dan, sidaas darteedna ay shirkaas qaadaceen.
Maalintii Isniinta ahayd ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu dib u dhac ku yimid shir ay beelaha Hawiye maalinta berri ah ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo sababta dib u dhigistaasna ay lahaayeen isla Odayaashan maanta soo saaray hadalka ay ku qaadacayeen Shirweynaha Hawiye.
Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo iyadu shirkaas qaban qaabisay ayaan la ogeyn mowqifka ay ka qaadan doonaan Odayaasha Shirka qaadacay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn jawaabta ay bixin doonaan Odayaasha kale ee Hawiye ee aan ku mowqifka ahayn Odayaasha qaadacaadda sameeyay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Beelaha Hawiye oo la sheego in ay xudun u yihiin mushkiladda ka taagan Dalka Soomaaliya ayaa si weyn u kala qeybsanaa muddo dheer, iyadoo ay u kala jirto qeyb taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kale oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






